Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ah musharaxa Xisbigaa ee u tartamaya doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee loo qoondeeyay 2017, ayaa ka waramay dabeecada shaqsiyadiisa iyo waayihii kala duwanaa ee xiligii halganka iyo mudadii uu salaanka siyaasada ee uu doonayo inuu ku fuulo kursiga u sareeya dalka ee Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kaleba kaga hadlay Casuumad casho -sharaf si weyn loo agaasimay oo loogu sameeyey xalay huteelka Star ee degmada Maxamuud Haybe ee koonfurta magaalada Hargeysa, taas oo uu abaabulkeeda lahaa Gancsade Cismaan Cabdi Xasan oo ah mulkiilaha shirkadaha ganacsiga Star Group.
Munaasibadaa, waxa ka qaybgalay madaxdhaqameed uu horkacayay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka haya mid ka mid ah Saldanadaha ugu faca weyn Somaliland, sidoo kale waxa munaasibadaa ka qayb galay Wasiirro, Agaasimayaal iyo Maareeyayaal ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo dhammaantood ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Hargeysa ee deegaanka Salaxley, kuwaas oo soo dhawayn iyo bogaadin ku qaabilay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi murrashaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE loogu doortay dhawaan.
Oday Aabi Xujaale oo ku hadlayey afka ganacsade Cismaan Cabdi Xasan, ayaa uga mahadceliyey murrashax Muuse Biixi iyo martida kaleba ka qaybgalka casuumaddaa.
Chief Caaqil Cabdiwali Jaamac Cabdi iyo Chief Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, ayaa iyaguna hadallo bogaadin, hambalyo iyo duco ah ku qaabilay murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxaanay isku raaceen in ducada Abtigu tahay mid kacda oo aan loo warhayn.
Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Kaysar Cabdillaahi Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabbeeye, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Maxamed Iid Dhimbiil iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo iyaguna hadalo ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa uga mahad celiyay ganacsade Cismaan Cabdi Xasan munaasibada uu sababteeda lahaa, waxayna dhammaantood ka dhawaajiyeen in iyaga oo ka mid ah xubnaha ku jira xisbiga KULMIYE ay horeba u sahamiyeen madaxtinimada Muuse Biixi Cabdi oo ay ku doorteen shirkii golaha dhexe ee xisbiga, isla markaana uu yahay nin dalka iyo dadkaba ku leh abaal oo halgan dheer u soo galay Jamhuuriyadda Somaliland xoraynteedii, dhismaheedii ilaa horumarinteedii, sidaa awgeed waxay usoo jeediyeen in laga wada shaqeeyo sidii Madaxweynaha mustaqbalka loogu dooran lahaa murrashax Muuse Biixi.
“Muuse innagu waa in aynu ku garab istaagnaa masuul aad garanaysaan, idiin dhashay, isla markaana ilaa maalintii aynu dhibaatooyinka adag ku jirnay inala soo halgamayey, dhammaanteenna waa in aynu ku dooranaa halgankii dheeraa ee uu inoo soo galay, waa masuulka ugu mudan saddexda murrashax muuqda, waana in aynu abaalkaa eegnaa. Waxaanan rajaynayaa inaad soo dhawayn doontaa, garab iyo gaashaanba siin doontaa.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga Mr. Kaysar.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi oo ka hadlay madasha , ayaa si wayn uga mahadceliyey casuumadda loo sameeyey iyo taageerada sharaftu ka muuqato, isagoo sheegay inay kuwa u sameeyay yihiin Abtiyaashii, kuwaas oo sida uu sheegay u muujiyey dareenkooda iyo taageeradooda, isla markaana uu xusay in ducooyinkoodii horeba loo aqbalay oo uu guulo ku gaadhay.
Guddoomiyaha KULMIYE, waxa kaloo uu ka mahad sheegtay marar badan oo xubno ka mid ah Bulshada deegaanka Salaxley taageeraddooda la garab istaageen. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Sidaa aad tidhaahdeen baa inoo ballan ah oo duco, wadatashi iyo wax wada qabsi, laakiin hal ayuun baan anigu is leeyahay waa guul haddii aad hesho, waxaan is waydiiyey abtiyaashaa kuu duceeye oo dhawr iyo soddon sanno oo aad jabhad, buuq iyo siyaasad ku jirtay, aniguna nin xasarad yar maan ahayn, haddana abtiyaashay intaa way i difaacayeen uun oo mar walba meel ay joogaanba gar la igama helin oo la iguma canaanan, abtiyaashay weligood eray xun imay odhan ilaa Qaaxo, halkan iyo meeshaad tagaba qofkii i arkaaba abti, ina abti iyo habaryar ayuun buu yidhaa. Dhawr iyo tobankaa sanno ee aan KULMIYE ku jirayna mar qudha abtiyaashay hiilkooda maan waayin, saddex jeer oo aan tartan cod gacan taag ah xisbiga dhexdiisa aan galay, shirkii Ambassador ee Guddoomiye-ku-xigeenka, kii Burco iyo shirkii u dambeeyey ee murrashaxa la iigu doortay intaba mar qudha abtiyaashay intii ku jirtay xisbigu igamay baydhin, weliba markay sii adkaatana way igu soo wada hadhayeen, markaa raggii iyo hablihii Xisbiga ila joogay waxaad ogaataan abtiyaal inay sidaa idiin metalayeen.”
Guddoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ku kaftamay, “Haddaba, haddii mid la helo ayuun baan abtinimada xaqiijinayaa, qofka bani’aadamka ah laba goor ayuun baa la yidhaa yaa dhalay, mar waxa la yidhaa waar ninkaa yaa dhalay? Marna waxa la yidhaa waar kan yaa dhalay? Ninku hadduu yahay ganacsade fiican, talo-qabeen, qaadi, geesi dagaallamaya, abwaan iyo ninkastoo laga mamsuudo arrinka ka yimaada waxa la yidhaa waar ninkaa yaa dhalay? Intaa ka soo horjeedkeeda, ninku markuu qalad sameeyana waxa la yidhaa waar kan yaa dhalay? Markaa waxaad iigu ducaysaan in ninkaa yaa dhalay aan noqdo, taas ayaa idinkana idiin magac ah, if iyo aakhirana inoo wada wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Murrashax Muuse Biixi.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380