Araweelo News Network

muse biixiHargeysa(ANN)Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey inuu dedaal xooggan u geli doono sidii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar loogu qanci lahaa inuu ku biiro xisbigiisa.
Md. Biixi oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV shalay, waxa uu sheegay inuu kulan la yeeshay borofaseerka, isla markaana ku talo jiro inuu shirar iyo kulamo kale oo dheeraad ah la yeesho.
“Axmed (Prof. Axmed Ismaaciil Samatar) waan la kulmay oo waan la kulmi doonaa oo waan ku noqnoqon doonaa oo waxaan tab, xeel iyo xoogba isugu gaynayaa inuu xisbiga ku soo biiro, inuu annaga na taageero mar hadduu siyaasadda hunguraynayo oo aan kuwa kale uga dheereeyo oo aannu iska iibinno oo qancinno waa hawsha i hortaal. Axmed waa nin aqoonyahan barofaysar ah, waa nin aad caalamka looga yaqaano oo culayskiisa siyaasadeed buu leeyahay, markaa waanu raadinaynaa haddaanu KULMIYE nahay oo geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuulayaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha KULMIYE oo la weydiiyey in waxa ka jira warar sheegaya inuu qorshaynayo sidii Prof. Samatar loogu beddeli lahaa Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu ku jawaabay; “Waxaannu aniga, Saylici iyo reer KULMIYE oo dhami halgan ugu jirnaa in aannu ku qancinno Axmed (Prof. Axmed Ismaaciil Samatar) inuu KULMIYE nagala shaqeeyo, waa nin siyaasi wayn ah, maaha annagoo keliya ee xisbiyada oo dhan baa u tartamaya, markaa ugu yeedhimayno Axmed inuu na taageero mooyee inuu dhexdayada muran ka dhasho taa maaha.”
Waxa kaloo Muuse Biixi Cabdi la weydiiyey la weydiiyey samaaynta ganacsade Cabdiraxmaan Boorre oo ka dhex muuqday saxeexii heshiiska maalgashiga Dekedda Berbera ku yeelanayo xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, waxa uu yidhi; “Qof aannu meel isku sallaanay xidhiidh dawladeed xumayn maayo, dadku meel walba oo la tago waa la isku arkaa, markaa Boorre ayaa idinla joogay xumayn maayo xidhiidhkayaga Jabuuti, waxa xidhiidhkeenna xumaynaya wixii dhibaato ah ee xaggeenna ka yimaad ee la qaban waayo, dadku wixii dhibaato amma wanaag dhaca ayaa laga wadahadlaa. Qofku xaq buu u leeyahay qof kastoo bani’aadam ah oo ay is arkaan way isa salaami karaan, way wadahadli karaan. Boorre inuu mucaarad ku yahay Jabuuti waanu ognahay, waa nin Soomaaliyeed oo meel walba la isku arki karo, laakiin Boorre noolama iman karo wax Jabuuti xumaanteeda iyo dhibaatadeeda ah, hadduu la yimaaddana kama aqbali karno ee waannu ka hortagaynaa. Markaa xidhiidhkeenna aynu saaxiibka la nahay dawladaha jaarku waxa weeye in ay xaggeenna ka helaan amni iyo iskaashi, aynu iskaashano oo dhibaatada iska ilaalinno, taas ayuun baa taal, markaa isma seegi karno iyaga iyo qaar kale toona.”
“Arrintan la leeyahay nin baa lagu dhex arkay (sawirka Boorre iyo weftigii Madaxweyne Siilaanyo), Cabdiraxmaan Boorre wuxuu la saaxiib yahay qolada Carbeed (Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World), iyagaanay wada socdeen, annaga mucaaradad Jabuuti iyo xan Jabuuti midna noola iman maayo, mana suurtoobayso halkan Somaliland inuu taa la yimaad,” ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.