Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa hanjabaad iyo digniin hawada u mariyey madaxa dawladda Muqdisho ee Soomaaliya.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu duulaan lagu soo qaaday Somaliland ku tilmaamay qorshe dawladda Soomaaliya ku doodayso inay ciidanka kaga dhisto magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay socdaal ku yimaadeen xubo matalayey maamulka fadhigiisu yahay Muqdisho toddobaadkan, waxaannu Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyey inuu dib u soo bilaabayo wixii Soomaalidu isku dishay ee uu sameeyey kaligii-taliye Maxamed Siyaad Barre.
Guddoomiyaha UCID oo khudbad ka jeediyey xaflad xisbigiisu taageerayaal ku biiray uu ugu sameeyey magaalada Hargeysa , waxa uu digniin u diray Madaxweynaha iyo ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya, waxaannu yidhi, “Waad ogtihiin 26 sanno kadib inta niman ka yimi Xamar Sabtidii ayaa inta ay yimaadeen Buuhoodle ay yidhaahdeen ciidan baanu qaramaynaynaa, waa wax laga xishoodaa, waa inoo doqoniimo in inta Xamar diyaarad laga soo qaato ciidankii halkaa (Buuhoodle) joogay ee maleeshiyada ahaa la yidhaa waxaannu ka bilaabaynaa ciidankii Soomaaliya, taasi waxay ina tusaysaa in aynu baylah nahay, in aynaan shaqaynayn ee aynu isku maqannahay. Inanka yar ee degmadiisa Daynuune aan tagi karayn ee Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay inuu yidhaa ciidammadii Soomaaliya ayaan ka samaynayaa Buuhoodle maaha wax suurogal ah ee wuu iska hadaaqay oo waa nin riyoonaya, waa wax lagu yaqaan marka deegaankaasi awoodda helaan inay riyoodaan oo Xasan Sheekh baan odhan jiray ninkii riyoonayey ee Xamar, waxa la rabaa waxa weeye in ciidammadii Soomaaliya ee uu sameeyey Sheekh Shariif ee uu uga dambeeyey Xasan Sheekh inta la baabiiyo la sameeyo ciidamo Farmaajo leeyahay oo isaga u gaar ah oo qabiil ku salaysan, Farmaajo wuxuu doonayaa inuu dib u soo celiyo buuggii adeerkii ee Soomaali baabiiyey, laakiin waxaan filayaa in aanay taasi suurtogalayn, fidno ayuu doonayaa inuu innaga dhex rido, balse marna noqonmayso Buuhoodle meel reer Somaliland ku dagaallamaan oo reer Somaliland diyaar uma aha fidmo.”
“Waxaannu leenahay waar ka shaqaynina sidee Somaliland loo baabiiyaa ee dalkiina hagaajista, Somaliland way socotay oo xaaraan bay ka tahay in aanay soo noqonayn sida aanay baabacadaa gacanta timo uga soo baxayn. In ka badan boqol iyo konton kun oo reer Soomaaliya ah ayaa ku sugan oo ku nool oo nabad ku haysta Somaliland oo degan Boorama ilaa Ceerigaabo, haddii aad dadkaa fidmo ku abuurtaan cidda wax noqonaysaa maaha reer Somaliland ee dadkiinaa nala nool ee aannu gabboodka siinay ee aan maanta ku noqon karayn dhulkiinna aan nabadi ka jirin.”
Waxa kaloo uu sheegay in haddii uu talada waddanka Somaliland ku guulaysto uu dhisi doono ciidammo xoog badan oo difaaca qaranimada oo ku hubaysan hub casri ah, isla markaana ardayda iyo dhallinyarada la siin doono tababar ciidanimo si ay u noqdaan kayd ciidan oo dalku leeyahay.
Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal waxa uu tilmaamay inuu dalka ku xukumi doono shareecada Islaamka, waxaannu yidhi, “Waxaynu ku bahoobaynaa in aynu dalkeenna ka dhigno mid la wadal leeyahay oo loo siman yahay, waxaan burburinaynaa qabiilka oo waxaan dhisaynaa qaran Insha Allaah, waxaan baabiinaynaa waxa allaale iyo waxa diinteenna ka soo horjeeda oo Kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka (NNKHA) ayeynu kor u qaadaynaa, Tawxiidka ku yaal calankeenna ayeynu ku dhaqmaynaa. Dalkeenna nidaam iyo sharci baa socon doona ee qabiilku soconmaayo.
Waxa inoo ballan ah in aynu musuqmaasuqa la dagaallano, musuqmaasuqu waa Kansar, sida uu Kansarku u dilo jidhka ayuu musuqmaasuqu u dilaa dawladaha, waxaannu la dagaallamaynaa Jaadka oo ah maandooriye, wuu ka tagay quutal-awliyo oo wuxuu noqday quutal-shaydaan, Itoobiya waanu la xisaabtamaynaa oo waa in aynu wax waydaarsanaa Jaadka, xadka ay furtaa, alaabtu isku gudbaan, maaha in alaabteennu kootarabaan ku gasho Itoobiya.”
Eng. Faysal waxa uu kula dardaarmay xisbiyada siyaasadda inay u tartamaan hannaan sharci ah oo ka hufan qabyaalad iyo caadifad, waxaannu talooyin u kala diray xukuumadda iyo xisbiga WADDANI oo saraakiil laga xidhi-xidhay maalmihii u dambeeyey, “Qofku ilaa la xukumo dambiile maaha, dawladda waxaannu leenahay dadka aad qabqabataan xisbi ha ahaado ama dhallinyar ha ahaadee waa in si sax ah sharciga la mariyaa, qolooyinka laga xidhanaya waxaannu leenahay rabshadda ha laga daayo dalka, maxkamadda ha la sugo, laakiin in mudaharaad la sameeyo oo tolaayey la yidhaahdo taasi adigana faa’iido kuuma aha, dalkana uma aha, tolaayey ku soconmayso Somaliland, markaa waxaannu leenahay dalka aynu midnimo iyo wanaag ku gaadhsiino doorashooyinka,” ayuu yidhi.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha UCID waxa uu dhaliilay wasiirrada xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inay shaqadoodii kaga mashquuleen olole ay ugu jiraan sidii ay u soo saari lahaayeen murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE, waxaannu farriin baaq ah u diray Madaxweynaha oo uu yidhi, “Waxaannu leenahay Madaxweynaha mar haddaanad tartamayn madaxweynow, wasiirradanina ay doonayaan inay ololeeyaan samee dawlad doorashada ina gaadhsiisa oo wasiirradeedu aanay xisbina ahayn, wasiirradan iminka joogaana ha la shaqeenaan Muuse Biixi oo ha la ololeeyaan, laakiin maaha innagoo ay inna hortaaganyihiin sicir-barar, abaartii iyo Soomaaliya oo bilowday sidii ay inoo baabiin lahayd in wasiirradeenii ku shaqeeyaan Muusow adigaanu ku dhisaynaa maaha wax suurtogalaya, aniguna Faysal haddaan ahay qof u adkaysanaya dalkii oo aan arkayo inuu jar ka sii dhacayo ma ogolaanayo. Dawladdu haddaanay shaqadeeda qabsan oo aanay ka hadhin ololaha ay u wadaan xisbiga KULMIYE waxaannu mari doonaa waddooyin kale, waxay innagu kelifaysaa in aannu shirno oo kicino Madashii, WADDANI iyo aqoonyahanka oo aannu samayno shir badbaado qaran Somaliland ah.”