Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ee Somaliland, UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay shirkii ugu danbeeyay ee ay la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland oo lagu kala kacay.


Guddoomiye Faysal, waxa kale oo uu ka hadlay sheeko maalmihii u danbaysay lagu hayay shaaracyada oo la xidhiidhay in isaga iyo Madaxweynaha Afku ka xumaaday, isla markaana uu Madaxweynuhu isaga aflagaadeeyay oo caayay, isla markaana ku tuuray dhallo.


Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sidaa u sheegay Weriyaha BBC-da ee Somaliland, Sidiiq Maxamed Burmad oo wax ka weydiiyay arrimahaa iyo siday wax u dhaceen, sidoo kale Eng. Faysal waxa uu ka hadlay xaalada dalka iyo maadaama ay xisbiyada iyo Madaxweynuhu ku heshiin waayeen fulinta qodobadii lagu heshiiyay waxa ay yeelayaan iyo qorshohooda.


Halkan Ka Daawo Waraysiga Eng. Faysal uu la yeeshay Weriye Sidiiq Maxamed Burmad.