Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa digniino kala duwan hawada u mariyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha Golaha Wasiirrada ee xukuumadda KULMIYE.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu ugu baaqay xubnaha Komishanka Doorashooyinka inay yeeshaan awood ay wax kaga qabtaan xisbiyada qaranka ee ololaha siyaasadeed ka dhex bilaaba degaannada laga hirgelinayo qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha, isla markaana axsaabta ku ilaaliyaan shuruucda iyo xeerka hab-dhaqanka anshaxa ee u yaal.
“Waxa aan ka digayaa oo aan farayaa Komishanka Doorashooyinka in horta la ilaaliyo xeerkii anshaxa (code of conduct) oo aad ilko (awood) yeelataan. Maalintii hore ee ay socotay diwaangelintu ilko maydaan lahayn, waxaanan jeclnahay in la hirgeliyo ku dhaqanka xeerka anshaxa oo laga ilaaliyo ololaha (xisbiyada), iyadoo ay xisbiyadu olole siyaasadeed dhex wadeen hawshii socotay ee diwaangelinta codbixiyeyaasha, waannu soo ashkatoonay, wax aad ka qabateena ma jiro,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa aannu digaynaa wasiirrada inta ay shaqadooda ka tagaan oo ay baylihiyaan reerahoodii la ololaynaya oo uu isku beddelayo wasiir qabiil inta uu ka tagay wasiir qaran. Waxaanan leenahay wasiirradu xafiisyadooda ha fadhiyaan oo shaqadooda ha qabsadaan, mana jirto shaqo ay ku leeyihiin diwaangelinta iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha. Waxa kaloo aan Komishanka Doorashooyinka uga digaynaa dadka aan iman (maqan) ee kaadhadhka loo qaadayo). Waad ku mahadsan tihiin oo labadii gobol ee hore waad ka ilaaliseen in qof maqan kaadh loo qaado, markaa gobollada kalena qof kastaaba ha yimaad oo kaadhkiisa ka qaato.”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa sidoo kale ka digay ka iibsanaya kaadhadhka codbixiyeyaasha, waxaannu yidhi; “Waxa aannu leenahay ha la qabto dadka aad aragtaan inay iibsanayaan kaadhadhka codbixiyeyaasha ee dadka ka qaadanaya, waana sharciga la horgeeyo qofka kaadhka iibsanaya.”
Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay inuu rajaynayo in qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo doorashada Madaxtooyaduba ay si qurux badan ugu dhammaadaan reer Somaliland, lagana wada qaybqaato ilaalinta nabadgelyada iyo amniga guud ee qaranka Somaliland.
“Qof kasta oo reer Somaliland ah waxa aan leeyahay maanta xil ayaa ku saaran, boolis ayeynu wada nahay, waana in aynu hal dhinac iska taagno waa shaqo qaranne, waana loo siman yahay, cid gaar ahna ma leh oo waa xil ina wada saaran,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “cadaw badan ayeynu leenahay oo ka xun, kana masayrsan nabadda aynu haysano iyo doorashooyinka aynu gelayno, oo wanaagga Ilaahay (SWT) ina siiyey ayey ka masayrsan yihiin, kuwaas ayaana laga yaabaa inay ina qashqashaan.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa bulshada reer Somaliland ee hore isku diwaangeliyey ugu baaqay inay qaataan kaadhadhkooda codbixinta, waxaannu yidhi; “Diwaangelintii way dhammaatay, laakiin waxa maanta lagu kala badinayaa yaa qaatay (kaadhkii codbixinta) oo intii qaadatay ayuun baa coddaynaysa.”