Araweelo News Network

Dubai(ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe,oo ka hadlay mowqifkiisa heshiiska ay kala saxeexdeen labada Dawladood ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Millatariga Berbera, ayaa sheegay in Axsaabta mucaaradka looga baahan yahay inay saxaan dawladda ee aanay dumin.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo goob-joog ka ahaa madashii ay dawladaha Somaliland iyo Imaaraadku ku kala saxeexdeen saldhigga millatariga oo lagu qabtay magaalada Abu Dubai, waxa uu sheegay in isagu uu yahay mucaarad wax dhisaya oo ka shaqaynaya maslaxadda dalka iyo dadka.
“Anigu dawladda kuma jiro ee waxaan ahay xisbi mucaarad, laakiin axsaabta mucaaradka macnaheedu maaha inay wax dumiyaan ee waxa weeye inay dawladda saxaan oo ay yidhaahdaan waxaasi waa khalad ee waxaas ayaa ka fiican, wixii wanaagsana in gacan la siiyo weeye, markaa anigu sidaa awgeed baan uga qaybgalay anigoo daallan weliba oo ka imi waddan Koonfurta Ameerika ayaa layga codsaday in aan ka qaybgalo, berri (maanta) waxaan u ambabaxayaa Insha Allaahu Djibouti oo aan kaga qaybgalayaa shirkii Khaatumo, labaduba waa dan guud oo ummadda reer Somaliland u dan ah. Annagana wixii dawladdu ku khaldanahay waanu ka qabanaynaa, wixii ay ku saxsantahayna waanu ku taageeraynaa,” ayuu yidhi Eng. Faysal oo u warramay telefishanka Qaranka kadib saxeexa kama danbaysta ahaa ee saldhigg Millateri.

Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey faa’iidooyinka ugu jira Somaliland mashruucan ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaannu yidhi, “Arrintan saldhiggu laba weji bay leedahay, midi waxa weeye weji dhaqaale ayey leedahay oo saldhigaas iyo shirkadda DP World markay is raacaan wax badan baa u kordhaya dalkeenna oo mashaariic baa iman doonta, shaqo ayaa iman doonta, waxa iman doono saaxiibtinimo, dhinaca siyaasaddana waxa weeye shuruudaha ay ku xidhantahay qaranimadu waxa ka mid ah dawladdu tahay dal heshiis gali karaya oo la aamini karayo, markaa halkaa waxa ka dhalanaya aaminaadii, ta siyaasaddana waa wixii aynu u soconay 26-kaa sanno ee ahayd aqoonsi, waa tallaabadii u horreysay ee aqoonsi aynu qaadnay, waa markii u horreysay ee dawlad Imaaraadka Carabta ah oo la aqoonyahay oo ku jirta Qaramada Midoobay ay heshiis inala samaysatay, markaa maanta arrintu waxa weeye Qudun-quutooy ku quuso, cadowguna uu ka nixi doonaa, inta wanaagsanina way ku farxi doontaa. Waxa xataa inoo imanaya maraakiibtii caymiska lahayd ee lacagta badan laga qaadi jiray hadday maanta timi waddan ciidan fadhiyo ammaankuna wuu wanaagsanyahay oo waa la aaminayaa.”
Guddoomiyaha UCID waxa uu xusay inuu aad uga xunyahay mudaharaadyada lagaga soo horjeedo heshiiska saldhigga Imaaraadka, waxaannu ugu baaqay shacabka in aanay dhegaysan cadowga reer Somaliland ee ka xun horumar ay gaadho.
“Markaa waxaan leeyahay waan ka xumahay in dad reer Somaliland ahi halkii ka iman lahaayeen halkan ay meelahaa ka mudaharaadayaan, taariikhda ayaa dadkaa dhangadayn doonta Insha Allaahu, waxaan leeyahay yaan caqliga la idinkaga ciyaarin, garoon iska cidla ahaa oo iska dumayey oo Ri’yaha iyo Geellu fadhiisanayeen oo aan shillin innaga soo gali jirin haddaynu waddan Muslim ah aynu jaar nahay oo weliba aynu ku leenahay abaal badan oo halkan (Imaaraadka) waxa dhisay dadkeennii ka soo ordi jiray Maxamed Siyaad Barre oo maskaxdeennii iyo muraqeennii baa halkan lagu dhisay, maantana shan kun dhallinyaro reer Somaliland ah oo garbo-duuban baa joogta Imaaraadka Carabta oo aabbayaashood kontan iyo afartan sanno joogeen oo carruurtoodii meel ay geeyaan aan garanayn, waxaan jecelahay in shantaa kun ee halkan joogta loogu horreysiin doono in shaqadaa la inoo furayo iyaga tixgalinta la siiyo. Markaa waxa weeye yaan nin hungurigiisa kelidii ka fikirayaa kolba been idiin sheegin, waa tallaabo wanaagsan oo aynu Ilaahay uga mahadnaqayno, waynu guulaysane, waa mid barwaaqo, ictiraaf iyo badhaadheba keenaysa ee dadka xun ee innaga dhex shaqaynaya ee meelahaa ka soo caytamaya ee akhriyaya websaytyada cadowgeennu qoraan waxaannu leenahay ha akhriyina,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Faysal Cali-waraabe.