Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay dhaliilo, isagoo ku tilmaamay inuu carqalad ku yahay qabsoomidda doorashooyinka iyo in heshiis laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada.

Guddoomiye, Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale, kaga hadlay Shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa, isagoo ka hadlay muranka xilligan ka taagan dhismaha Komishanka cusub ee doorashada oo uu ka warramay waxyaabaha ku kelifay inay hakiyaan xubintii ay Komiishanka cusub usoo xuleen, mowqifkooda la xidhiidha xubno loo tirinayo Xisbiga KULMIYE oo Madaxweynuhu u soo xulay Komiishanka cusub.

“27-kii July, 2019, waxay Shacabka Somaliland u ahayd Maalin Farxadeed, Waayo? Maalintaa waxa Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ay Asxaabta iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay kala saxeexdeen, heshiiskaas oo ay ku dhexdhexaadiyeen Beesha Caalamku, Nuxurka heshiisku wuxuu ahaa in la soo afjaro murankii Komiishanka iyo Arrimaha doorashada oo socday muddo sannad iyo badh ah, waxaanu heshiisku ahaa in la dhiso Komiishan cusub, lana beddelo Komiishankii hore, Baarlamaankana la horgeeyo Mooshin Xubnaha Komiishanka ka dhigaya 9 xubnood,” Sidaa ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

“Shacabka waxa gashay Rejo weyn iyo Nayaayir in murankii Komiishanku dhammaaday, lana qaaday Dariiqii Doorashada, hase yeeshee waxa Shacabku ka dheragsan yahay in Muuse uu Jid-gooyo u galay Mooshinkii, siduu awalba caanka ugu ahaa Jid-gooyooyinka, jid-gooyadaana uu ku dhintay Mooshinkii ku socday Baarlamaanku, isagoon gaadhin halkii uu ku socday, haddana Xisbiyada Qaranku iyagoo tixgelinaya in doorashooyinku qabsoomaan, waxay wada tashi dheer ka dib ogolaadeen inay doorashada ku galaan 7 Xubnood oo cusub oo komiishan ah.”ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in khilaafka arrintaa oo ay mar kale soo dhex-galeen muranka xubnaha doorashooyinka ay guul-daro kala noqdeen, taas oo uu sheegay in ay wiiqayso sumcadii Somaliland, isla markaana niyad ku noqonay beesha Caalamka ee taageerta Somaliland.

“Waxa marag ma doon ah in marka muran dhammaadoba uu Muuse abuurayo muran cusub, muddadii uu xilka hayay Muuse ee labada sannadood, waxaan kula dhaqmaynay musilow run sheeg muslinawna uga qaado, waxaase annaga iyo shacbigaba u cadaatay in aanu Muuse ahayn, Nin dhawraya qawlkiisa oo xurmaynaya heshiisyada uu galo, oo ixtiraamaya xeerarka qaranka, beentana u yaqaan xariifnimo iyo guul siyaasadeed, isagoo warbaahinta isla soo taagay in aanu fargelin xubnihii komishanka ee guurtidu soo magcawday, iyadoo dhammaantiin kala socoteen warbaahinta in uu guurtida ku celiyay labadii xubnood ee u horreeyay mid ahaan, waadna waraysan kartaan Foosi ayaa la yidhaahdaa.”ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu hawlihii loo igmaday ee Qaranka kaga mashquulay danno gaar ah iyo ganacsi, isagoo yidhi, “Iyadoo ay dayac yihiin xilalkii loo igmaday Muuse, sida, Kobcinta dhaqaalaha, Sugida Amniga, shaqo-abuurka iyo adeegyada Bulshadda, ayaa maalin walba waxa soo baxaysa in uu Muuse ku mashquulsan yahay ganacsi gaar ah iyo dhul-boob dadk shacabka ah ay isku haystaan oo ay ugu danbaysay dhacdadii aynu maqlaynay shalay ee warbaahinta ka baxaysay ee baroorta Hooyooyinka iyo dadka maatada ah.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI, oo aannay weriyayaashu wax su’aalo ah weydiin, isagoo ka cudur-daartay in ay suxufiyiintu su’aalo ka weydiiyaan eedaymaha uu u jeediyay Madaxweynaha iyo arrimaha uu ka hadlay.