gudoomiyahakulmiye iyosuuqawaaheen1Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ah Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, ayaa booqasho gaaban ku dhexmaray maanta duhurkii Suuqa Gobonimo ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa oo ah, suuqyada ugu waaweyn ganacsiga magaalada Hargeysa.

siciidganacsade
Guddoomiyaha oo ay weheliyaan Xubno Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ganacsato, aqoonyahyan iyo Madaxdhaqameed, ayaa ka hor inuu aanu suuqa weyn ee cidhiidhka ah booqan halkaa loogu sameeyay Hadhimo sharafeed qado ah, taas oo ganacsade Sicii Aw Cismaan Xasan (Fure) oo ah mulkiilaha huteelka (680 Cafe and restaurant) kaas oo kuyaal Suuqa gobonimo ee Idaacadda u sameeyay guddoomiyaha.

guddoomiyahaiyowasiiradda

Ganacsade Siciid Ismaaciil Samatar (Furreh), oo Xaflada ugu horayn ka hadlay, ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha iyo Madaxda kale ee uu qado-sharafta u sameeyey sida kal-furnaanta ah ee ay u soo ajiibeen, isagoo ku booriyey Madaxda Manaasiibta sare doonayaa inay xidhiidh dhow iyo macaamil la yeeshaa meellaha ay Bulshada codka laga helaa joogaan, sida Makhaayadaha suuqa ku yaalla ee Shacbigu ku kulmaan.
huteelkaidaacada
“Qolyaha codka doonayaa Hudheellada waaweyn uunbay tagaane waxaan idin odhan lahaa Guddoomiye codkii wuxuu yaalla hudheelkan oo kale , suuqa gobanimo iyo waaheen oo kale, markaas bal isku daya inaad cagta ku badisaan” ayuu yidhi.
casuumada1
Dr. Maxamed Cabdiraxmaan oo ah Mujaahid qoraa ah oo xilal kasoo qabtay Xukuumaddii hore ee Somaliland, isla markaana kasoo qaybqaatay halgankii dalka lagu xoreeyay, ayaa kamid ahaa xubnaha aqoonyahanka ah ee Xaflada ka qaybgalay, wuxuuna hadal kooban oo uu ka jeediyey sharaxaad kooban kaga bixiyay taariikhda Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo suuqa Gobonimo, isagoo ku sifeeyay Guddoomiye Muuse Biixi inuu yahay Nin u qalma hogaaminta dalka, muddo-dheerna u soo samrayey in uu halkan soo gaadho.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland, oo isna xaflada hadal kooban ka jeediyey, ayaa Muwaadinkan Ganacsadaha ee casuumada fidiyey, mahad-naq kaddib, ku ammaanay maal-gashiga dalkiisa uu ku sameeyey, siiba Makhaayadan casriga ah ee uu ka sameeyey faras-maagalaha Suuqa Gobanimo oo ah meel aad u mashquul ah.
Sidoo kale Afhayeenkii hore ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Mr. Siciid Caddaani, ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasibadaa, wuxuuna uga mahad celiyay casuumada ganacsade Siciid ugu sameeyay halkaa guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Xubno isugu jira Waxgarad iyo Madaxdhaqameedyo oo iyaguna halkaa hadalo ka jeediyey, ayaa taageero mug iyo miisaan leh u muujiyey Murrashaxa Madaxweyne , ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Waxa ay dhamaantood caddeeyeen in Muuse Biixi hogaaminta dalkan u soo halgamay, jirina cid ka mudan oo Maanta madaxweyne Siilaanyo bedeshaa.

Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo gabagabadii Munaasibada khudbad kooban ka jeediyey, ayaa u mahad-celiyey Ganacsadaha ku casuumay Hudheelkiisa iyo xubnaha kala qayb-qaatay. Waxa kale oo Guddoomiyuhu si kooban uga hadlay taariikhda Suuqa Gobanimo iyo deegaanka Idaacacada “Hudheelkani wuxuu ku yaallaa labada Dugsi ee i Biyo-dhacay dhexdooda . waa halkii aan nolosha ka bilaabay. Waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa Siciid oo aanan maanta halkan ka filayn, waxaanse leeyahay wax wanaagsanbaad samaysay ee halkaa ka sii wad Ganacsiga” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi oo sidoo kale ka mahad-celiyey Taageerada Munaasibada looga muujiyey.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu markaa kadib socod lug ah ku tamashleeyey, Suuqa Gobanimo oo ka mid ah Suuqyada ganacsiga ee ugu weeweyn Hargeysa, halkaasoo ay dadweyne tiro badani ku soo dhaweeyeen, isagoo nusasaac wakhti ku dhow dhex socday suuqaas, isla markaana meheradaha qaar badeecadaha ay iibinayaan waydiinayey qiimeyaashooda.