“Xalka Gobolka Sanaag wuxuu ku Jiraa jeebka Madaxweynaha, Caare iyo Inamada la Socda, waxaan qabaa in..” Cabdiraxmaan Cirro.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa ku dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inay xal u weyday colaada soo noqnoqtay ee Gobolka Sanaag, isla markaana wuxuu weedho Madaxweynaha kasoo baxay maalmihii u danbeeyay ku tilmaamay kuwo colaada sii hurinaya oo aan loo baahnayn.

Sidoo kale, wuxuu xukuumadda ku canbaareeyay xadhiga Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Deegaanka Gabiley iyo Gar-adag iyo Suxufiyiin lagu xidh-xidhay Magaalada Hargeysa, walaw suxufiyiintaa lasoo daayay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha heshiiska ay dhowaan saddexda Xisbi qaran ka gaadheen murranka xubnaha Komishanka oo ay dedaalkiisa lahayd beesha Caalamku kaga hadlay shir-Jraa’id oo uu ku qabtay maanta xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

“Ujeedada WADDANI,  intaa arrinta u jiidayay ma ahayn in la kala guulaysto ee waxay ahayd in la wada guulaysto, Ujeedada WADDANI, ma ahayn in lays garbiyo ee waxay ahayd in lays garabsado,  Ujeedada WADDANI, waxay ahayd in la helo doorashooyin hufan iyo guddi doorasho oo lagu wada kalsoonyahay.” Ayuu Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ka hadlayay mudada dheer ee uu taagnaa muranka Komishanka.

Wuxuuna xalka laga gaadhay arrintaa ku ammaanay Dublamaasiyiinta ka socotay Midawga Yurub Ambassador Nicolás Berlanga Martínez oo ah wakiilka Midawga Yurub ee arrimaha Soomaalida iyo Wakiilka Dawladda Britain u jooga Somaliland Mr. Stuart Brown oo sida uu xusay dedaalkooda lahaa, isla markaana Wakiilka Dawladda Britan ee Somaliland, wuxuu si gaar ah ugu amaanay inuu goob-joog ka ahaa ilaa markii la saxeeyay heshiiska saddexda Xisbi.

Sodoo kale, Guddoomiye Cirro, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha ku amaanayo inuu tanaasul sameeyo sannad iyo badh ka dib sida uu sheegay, wuxuuna tilmaamay in heshiiskaa oo ka kooban siddeed qodob loo gudbinayo Baarlamaanka si loo waafajiyo xeerka, isla markaana  laysla qaatay in ka hor 8 August  2019, la horgeeyo golaha Wakiiladda oo ay ka wada shaqeeyaan xildhibaanada saddexda Xisbi iyo axsaabta qaranku, isagoo xusay in mudanayaasha 15-ka sannadood joogay lagu imtixaamayo mooshinkaa inay ansixiyaan oo doorashada aqbalaan iyo inay diidaan oo kuraasta isku dhejiyaan.

“waxa lagu heshiiyey in caqabadaha doorashada marba mid la xaliy Saaxiibaday Golaha Wakiilladana waxaan kula talinayaa in ay waajibkooda ka gutaan heshiiskan” ayuu yidhi.

Guddoomiye, Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu ugu baaqay shacbiga iyo Ururada Bulshada inay arrintaa dabagal ku sameeyaan si ay doorashadu u dhacdo, balse waxa uu xusay in heshiiska saddexda Xisbi aanu meesha ka saarayn cabaqadihii ku gadaanaa doorashada, isagoo xusay in marba caqabad la maareeyo, isla markana caqabada labaad ee ugu muhiimsani ay tahay arrinta saami-qaybsiga oo loo baahanyahay in loo diyaargaroobo sidii meesha looga saari lahaa.

Dhinaca kale Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in gobolka Sanaag muddo ka badan Afar sannadood ay ka taagnaayeen shaqaaqooyin sababay dhimasho ka badan Lixdan qof, kuwaas oo sida uu sheegay aan weli dhammaan, isla markana arrintaasi saamayn ku yeelatay amniga gobolka Sanaag.

“Arrintaasi waxay ina tusaysaa awoodda xukuumadda Somaliland, ama Kulmiye hore ha noqoto, ama Kulmiye danbe ha noqotee oo Afartaa sannadood xal u waayay arrintaa, waxayna muujinaysaa inay arrintaa nabadeeyaan oo wax ka qabtaan, Maaha markii u horraysay ee Somaliland shaqaaqo, ama colaadi ka dhacdo maaha, waxa ina soo maray Colaado deaagaamo (Beelo) la xidhiidha, Wadanka dagaalo sokeeyaa ka dhacay, jabhado aynu soo xeraynay ayaa jiray oo SSC ka mid ahyd, Wabar (Suldaan Waber) oo arrintiisii la dhammeeyay ayaa ka mid ahaa, markaa xukuumaddu dhaliil weyn ayay ku leedahay innagoo waaya-aragnimadaa leh inay arrinta Ceel-Afweyn waxba ka qabanweydo” ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa si gaar ah u dhaliilay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse oo uu ku micneeyey mid dabka ku sii shidaya colaadda Gobolka Sanaag, wuxuuna sheegay in Somaliland arrimahaa lagu dhammayn jiray xirfad maamul, maamuus iyo wadahadal Madaxweyne, iyadoo la isticmaalayay hab kasta oo bulshada midaynaya oo lagu dhamaynayo arrintaa.

“Waxa ayaandaro ah marka la eego khudbadii Madaxweynaha ee ugu danbaysay  in Odaynimadaa, Mamuuskaa iyo xirfadaasi ay ka dhammaatay Madaxtooyaddii, Madaxweynaha hadalkiisii u danbeeyay wax aka mdi ahaa, “in Dulqaadka iyo Doqoniimadu ay wallaalo yihiin” waxay ila tahay Eraygasi muwaadin kasta oo Somaliland ah dhegihiisa wuu dhibay,” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro, wuxuuna tusaale usoo qaatay Maansada Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi ee Isa-sudhan oo uu sheegay in ereyo ku jira maansadaa iyo hadalka ugu danbeeyay ee Madaxweyne Muuse Biixi isu ekaadeen.

Guddoomiyaha WADDANI, wuuxu sheegay inuu aad uga xunyahay dhacdadii ugu danbaysay ee Ceel-Afweyn, wuuxuna Qaranka ka tacsiyadeeyey Askarigii lagu dilay Deegaankaa, balse dhinaca kale, wuxuu xusay in Madaxweynaha Somaliland ka hadlay Askarigaa oo keliya ee aannu ka hadlin Hooyada aan waxba galabsan ee hubaysnayn ee sida uu sheegay Ciidanku xabad ku dilay, isla markaana laga soo qaado inaan waxba dhicin, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid xaaraan ah, sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaaqii Madaxweynuhu ku sheegay in la kala baqayo ay ahayd arrin colaada sii hurinay, isagoo xusay in xalka Sanaag ku jiro jeebka Madaxweynaha.

“Sanaag xalkeedu maanta ahayn xal Millateri, waxaan qabaa in xalka Sanaag aanu maanta ahayn xabad, iyo Janan loo diro ee xalka gobolka Sanaag yahay xal siyaasi ah iyo ergo nabadeed xalka gobolka Sanaag, wuxuu ku jiraa in Madaxweynuhu gacansiiyo Ergada Salaadiinta ee gobolada oo dhan ka tegey si ay usoo af-jaraan arrintaa, waxaana u arkaa in xalka Sanaaag furihiisii ku jiro Jeebka Madaxweynaha oo ay ahayd  inuu saamaxaad u fidiyo Caare iyo inamada hubaysan ee la socda iyo in laga shaqeeyo dadka walaalaha ah ee Ceel-afweyn wada dega”

Waxa uu sheegey in aannay Somaliland u baahnayn jabhad hubaysan oo ay xisbi ahaan Canbaaraynayaan, sidoo kale wuxuu sheegay inuu si adag u canbaaraynayo in Somaliland uu ka abuurmo, wuxuu ugu yeedhay Xukun Kelitalisnimo, wuxuuna  Jabhada ay ka dhashaan kelitalisnimada,  Somaliland qaaday jidkii kelitalisnimada iyo Digtaytarnimada haddaan Ilaahay u bixin, “Muuse waxaan leeyahay hadaad dariiqaa qaaday oo dulqaadkiina duqoniimo u taqaan, in Somaliland gacantaada ku burburi karto” ayuu yidhi, Cirro.