“Inta Tabasho Jirto Amni Darana Waa Jiri Doontaa, Arrinta Korneyl Caarrena Waxaa Leeyahay” Guddoomiye Cirro.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDDANI, Abdirahman Mohamed Abdilaahi Cirro  ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, wuxuuna si gaar ah usoo qaatay dhinaca amniga, dhaqaalaha Adeegyada  aasaasiga ah, cabashooyin uu xusay in ay ka jiraan deegaamada qaarkood Iyo mawqifkooda xisbi  ahaan kooxda sheegatay Jabhada ee uu hoggaamiyo Caarre oo ah sarkaal hore uga   goostay ciidamadda qaranka Somaliland.

Guddoomiye Abdirahman Cirro oo kasoo laabtay Safar dhinaca Dalka Ethiopia, ayaa sidoo kale saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka ee golaha wakiiladda oo weli xalkoodu laalanyahay iyo sicir bararka sida weyn u taabtay bulshaddz, Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday isbedelka Dalka Ethiopia, gaar ahaan deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Kililka shannaad, wuxuuna arrimahaa iyo kaga hadlay kulan saxaafadeed uu maanta ku qabtay Hargeysa.

 

Halkan ka Daawo Warkaa oo dhamaystiran.