Car juuq dhe!(1)

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa u gudbiyey shirguddoonka Golaha Guurtida qoraal la doonayo in lagu saxo muranka ka dhashay qabyo-qoraalka xeerka diwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha oo Golaha Guurtidu kusoo celisay todobaadyadii u danbeeyay, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in lagu daray waxyaabo dheeraad ah oo aan ku jirin Nuqulka xeerkaas sidii mudanayaasha Wakiilladu ansixiyeen 30 September 2014.

Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha nuxurka qoraalka Guddomiye Cirro u gudbiyay Guurtida iyo waxa uu xanbaarsanyahay, balse warar xog oggaal ah, ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network in dabayaaqadii todobaadkan qoraal Guddoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro u gudbiyay Golaha Guurtida, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu saxo khaladaadka ka dhashay xeerka Diiwaan gelinta, gaar ahaan qodobadda 7aad, 25aad, 26aad iyo 29aad ee nuqulka Qabyo-qoraalka Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha oo hore loogu gudbiyay Guurtida, balse khaladaad kasoo baxay sababeen muran iyo buuq siyaasadeed. Kadib markii Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladdu shaaciyeen in golaha guurtida loo gudbiyay nuqul aan ahayn kii ay ka doodeen ee goluhu u codeeyay, taas oo ay ku eeddeeyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo ay sheegeen inuu sameeyay khiyaamo.

Hase yeeshee koox kale oo ka mid ah Golaha wakiiladda, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay eeddaha loo jeediyay guddoomiye Cirro, waxayna muranka labada dhinac ee Xildhibaanadu gaadheen in laysugu hanajabo mooshino ka dhan ah Guddoomiye Cirro iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Dhinaca kale markii ay soo baxeen wararka la xidhiidha in guddoomiyaha Wakiiladda, Isla markaana ah Hoggaamiyaha WADDANI uu golaha Guurtida u gudbiyay nuqulka rasmiga ah ee lagu saxayo xeerka qabyada ah, waxa soo baxay fadhi aan caadi ahayn oo loogu yeedhay Golaha Guurtida oo ku jiray fasax, kaas oo loo malaynayo in la doonayo in lagu ansixiyo xeerka Diiwaan Gelinta Medeniga ah.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com