Araweelo News Network

Burco(ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaciyey inay sameeyeen diwaan lagu qoro cid kasta oo tacadiyo u gaysata dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland, isla markaana hadhaw lagula xisaabtami doono qof kasta oo tacaddi gaystay.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo kormeer la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhadhka codbixinta ku maraya degaanno ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa dambi weyn ku tilmaamay in shaqaalaha dawladdu u ololeeyaan xisbi gaar ah.
“Waxa aannu ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta xukuumadda, gaar ahaan shaqaalaha dawladda inay xaaraan tahay inay ka qaybgalaan ololeyaasha doorashooyinka, waana dambi, xukuumaddana waxa ku waajib ah in qofka ka qaybqaata laga qaado tallaabo sharci ah,” ayuu yidhi murrashaxa Cirro.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu u sheegayna dhammaan ummadda iyo masuuliyiinta Xukuumadda in xisbiga WADDANI uu furay diwaan lagu qoro dhammaan dadka tacadiyada gaystay, waana loo qorayaa oo way u qornaanaysaa, markaa waxa aannu uga digayna inay tacadiyo ku sameeyaan muwaadiniinta Somaliland.”
Waxa kaloo uu sheegay in saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI lagu xidhay magaalada Burco, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid xad-gudub ah, isla markaana ay xisbi ahaan cambaaraynayaan.
Murrashaxa xisbiga WADDANI, ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo baxay Wasiir-ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Jaamac Cabdillaahi Biin oo xisbiyada qaranka uga digay inay mar qudha hudheel wada galaan, amma isku goob kormeer ku sameeyaan, taasoo uu xusay inay keeni karto falal waxyeelo ku ah qaranka Somaliland oo dhexmara taageerayaasha xisbiyada.
“Waxa la yaab leh in Wasiirro amma Wasiir-ku-xigeenno ay ku riyoodaan, kuna soo toosaan waxa caqligooda ku jira, ummaddana ugu sheegaan inay sharci tahay. Sharciga Xukuumadda ayaa soo jeedisa, haddii ay doonto, baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) ayaana sharciyeeya amma baarlamanka ayaa curiya oo sharciyeeya. Wasiir inta uu makarafoon iska qaato ma odhan karo waxaas ayaa sharci ah amma waxaas ayaa sharci-darro ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa la yaab ah in masuul ka tirsan xukuumadda oo wasiir ah uu yidhaahdo; ‘axsaabtu ma wada geli karaan hudheelada.’ Xagee ayuu ka keenay sharcigaas? Hudheeladu waa goobo ganacsi oo waa la wada gelayaa, wax ayaa laga iibsanayaa oo hurdada ayaa laga iibsanayaa, raashinka ayaana laga iibsanayaa. Taasi waa sharci-darro oo waxa ay marka hore xad-gudub ku tahay muwaadinka hudheelka leh, wuxuuna meesha u furtay waa ganacsi.”
Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku dooday in aanay xisbiyada iyo murrashaxiinta tartamayaa aanay ahayn qaar col ah, balse ay si dimuqraadi ah ugu tartamayaan hoggaaminta dalka Somaliland.
“Dad is dilayaa ma jiro, xisbiyo is dilayaa ma jiraan, arrintaasina waa sharci-darro uu ku dhawaaqay wasiirku, waxaanan uga digaynaa in ummadda lagu jaha-wareeriyo wax aan sharci ahayn. Ummaddu waxa ay u baahan tahay inay midawdo. In la kala qoqobo oo gidaaro loo kala sameeyo looma baahna. Anniga, Muuse Biixi iyo Faysal hudheel ayaannu wada gelaynaa oo gacmaha ayaannu is qabsanaynaa, waanan tartamaynaa ee col ma nihin. Ma col ayeynu nahay KULMIYE? UCID ma col ayeynu nahay? Maxaa loo leeyahay hudheel ma wada geli kartaan? Taasina maaha wax Somaliland ka dhacay, dibna uga dhici mayso,” ayuu yidhi Murrashaxa xisbiga WADDANI.
“Waxa loo baahan yahay in aynu u diyaargarawno doorashada, waxaynan ugu diyaargaroobaynaa in aynu marka hore kaadhadhka ayeynu qaadanaynaa. Marka labaadna codkeena waxa aynu ku hubsanaynaa in aynu isbeddelka ku taageerno, isbeddelka Somaliland-na waxa maanta wada oo isbeddel khayr qaba wada oo mid caafifaad qaba wada xisbiga WADDANI. Waxa aynu u baahanahay in aynu inagu marka hore sharciga ilaalino oo xisbiyada kale tusaale u noqono, laakiin si adag ayeynu u tartamaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).