Published On: Mon, May 28th, 2018

Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka ee shalay madaxweynaha Soomaaliya uu xilka qaadista ku sameeyey ayaa kasoo horjeestay xilka qaadistaas. Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay Idaacadda Voa laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in xilka qaadistaas ay tahay mid aan sifo sharci ahoo marin,isla markaana isagu uu weli yahay guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka. Waxa uu sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo kal qeyb sanaanta awoodaha sidaas darteedna garsoorku uu ka madax banaan yahay lamaha kale ee dowladda,isla markaana uu weli yahay guddoomiyaha maxkamada sare Shaqooyinkiisa Dastuuriga ahna uu wadanayo sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in shacabka soomaaliyeed ay ogaanayaan in Shaqadii ay sideydii u sii socon doonto. Sikastaba kasoo horjeesashada xilka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamada sare ayaa ah khilaaf cusub walow weli madaxtooyada Soomaaliya aysan ka hadlin. Muqdisho 28ka May 2018 Inbadan oo ka mid ah xildhibannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan. Waxaana ma mid Xildhibanada kasoo horjeestay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu xuso qodobadda Dastuurka ama Xeerarka garsoorka ee uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle. “Haddii dasturki aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin waxay noqoneysaa in arinkaasi sida ugu dhaqso badan baarlamanka ka fariisto…” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku dooday in loo baahnaa in madaxweynaha uu faro xukuumadda inay dedejiso soo hordhigida baarlamanka ee Guddiga Adeegga Garsoorka oo marki u dambeysay ay codsatay in bil gudaheda ay ku keeni doonto barlamanka, si guddigaasi uu ugu soo gudbiyo xukumada qofka qaban kara xilalka garsoorka.

Smiley face

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Khilaaf siyaasadeed, ayaa ka dhashay xil ka qaadis uu Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare  Ibraahim Iidle Saleebaa. Kadib markii shalay uu xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo.

 

Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa Idaacadda Voa laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay in xilka qaadistaas lagu sameeyay ay tahay mid aan sifo sharci ahoo marin,isla markaana isagu uu weli yahay guddoomiyaha Maxkamada Sare.

Waxa uu sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo kal qeyb sanaanta awoodaha sidaas darteedna garsoorku uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda,isla markaana uu weli yahay guddoomiyaha maxkamada sare Shaqooyinkiisa Dastuuriga ahna uu wadanayo sida uu hadalka u dhigay.

Xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamada sare ayaa abuurtay  khilaaf cusub  waxaana ka hadlay qaar ka mid ah xildhibannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka hor yimid xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan.

Xildhibanada kasoo horjeestay xil ka qaadista waxa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu xuso qodobadda Dastuurka ama Xeerarka garsoorka ee uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle.

“Haddii dasturki aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin waxay noqoneysaa in arinkaasi sida ugu dhaqso badan baarlamanka ka fadhiisto…” ayuu yidhi Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku dooday in loo baahnaa in madaxweynaha uu faro xukuumadda inay dedejiso soo hordhigida baarlamanka ee Guddiga Adeegga Garsoorka oo marki u dambeysay ay codsatay in bil gudaheed ay ku keeni doonto barlamanka, si guddigaasi uu ugu soo gudbiyo xukuumadda qofka qaban kara xilalka garsoorka.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp