Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Shirweynaha Afraad ee Xisbi-xaakimka KULMIYE, ayaa lagu soo geba-gebeeyay Magaalada Hargeysaa, kaddib markii uu saddexdii Maalmood ee u danbeeyay ka socday halkaa.

Shirweynaha oo mudadii uu socday lagu doortay hoggaanka Xisbiga ee mudada shanta sannadood ee soo socda hoggaaminaya Xisbiga, isla markaana waxa lagu faaqiday wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka Xisbiga iyo ansixinta xubnaha golaha dhexe ee ka yimi ergooyinka metelayay gobollada iyo deegaamada dalka.

 

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo ay ka qaybgaleen in ka baddan 1200, Ergay, ayaa ka hor intii aanu soo xidhin maanta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ah guddoomiyaha shanta sannadood ee socda hoggaaminaya Xisbiga  waxay Ergooyinku duuduub ku ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah oo sidii hore loo daayay, kaddib markii Ergooyinku cod aqlabiyad ah ku diideen soo jeedinta ahayd in la dhimo, kuwaas oo noqonaya 241 (laba boqol iyo Afartan iyo kow) xubnood, iyada oo ay madasha ku sugnaayeen 234 xubnood, halka ay maqane ahaayeen 7-xubnood oo keliya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna  guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn waxa uu bogaadiyey guddidii qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE, Ergada shirka isugu timi, shir-guddoonka shirweynaha, marti-sharaftii shirka kasoo qayb-gashay iyo guud ahaanba bahweynta xisbiga KULMIYE ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyeeyey, taageerana u muujiyey shirarka nabadeed ee kasoo bilaabmay Shidan oo katirsan gobolka Sanaag iyo Adhi-caddeeye oo katirsan gobolka Sool, waxana uu odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo cidkasta nabadda dedaal gelisayba ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda midhaha manfaca leh soo saaray, isaga oo caddeeyey inay xukuumad ahaan taageero dhinac kasta leh la garab taagan yihiin shirarkaas nabadda lagu xoojinayo.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka u caddeeyey sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabad kasta oo dhinaca doorashada ah, isaga oo tallaabada ay golaha guurtidu ku ansixiyeen xeerka doorashooyinkana ku tilmaamay tallaabo loogu dhawaanayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu yidhi, “Waxa war fiican ah in golaha guurtidu uu ansixiyey oo isku raacay xeerkii Doorashooyinka, kaas oo Berri wixii ka dambeeyana dhaqan-gal ah, halkaasna waxa inoogu dhammaatay  murankii siyaasadda, wixii inoo hadhayna waa farsamo iyo dhaqaale ah ee inoo hadhayna qarankay u taallaa.”

 

Madaxweynuhu waxa uu baaq garnaqsi iyo hogo-tusaalayn ah u diray beesha caalamka ee ka caga-jiidaysa horumarka iyo dawladnimada  Jamhuuriyadda Somaliland ka hana qaadday, isaga oo gef ku tilmaamay tallaabada beesha caalamku ku hagratay Somaliland iyo dawladnimadeeda, “Somaliland iyo shirweynaha KULMIYE, waxa ay bulshada caalamka u dirayaan oo aannu leenahay bulshada Somaliland aad bay uga xun tahay, mana garowsana, 30-sannadood oo ay dalkooda dhisayeen oo ay nabad kusoo celiyeen oo ay  horumar dhaqaale, mid aqooneed iyo mid dhinac walba ah sameeyeen oo ay doorashooyin Dimuqraaddi ah oo xil isku wareejin ah sameeyeen oo xisbiyo tartamaya sameeyeen, khilaafkooda oo aanay cidina soo dhexgelina dhammaysteen, waxannu leenahay  in indhaha laga qabsado oo aqoonsiga lagala maago waxanu leenahay ma qabato Somaliland Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo xidhitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey Ergeda ka qaybgashay shirweynaha iyo  bahweynta KULMIYE  sida ay ugu dhabar-adaygeen muddadii shirku socday.

 

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu baaq odoytinimo ah u diray bahweynta KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay isu tanaasulaan, xisbinimadana wax kasta ka horraysiiyaan oo ay muhiimadda koowaad siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan leeyahay dhammaanteen waxa aynu haynaa wax ina wada gaadha ma ahee waxa ina wada gaadhaya magaca iyo karamaada xisbiga uu magaciisu inaga dhexeeyo, markaa dadka intii calafku ku qoraa way ku qornaanaysaa, intii aan ku qornaynina waa inay u aragtaa in walaalkii, walaashii iyo saaxiibkii lagu qoray, waana inaynu isu tanaasulnaa oo isku calool wanaagsanaanaa. Arrinta ugu muhiimsani waa xisbinimadu  inay qiimeyeelato.”

 

Sidoo kale,  Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa  bogaadiyey hoggaanka cusub ee ergadu dooratay, waxana uu taageerayaasha xisbiga ku dhiirrigeliyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii uu xisbigu guul uga soo hoyn lahaa doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, siina laban laabaan  xamaasaddii iyo isku-duubnidii lagu yaqaannay.