GudsaleebaanHargeysa(ANN)Ergada uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo maalmihii u danbeeyay ku jiray xal u helida Khilaafka golaha wakiiladda Somaliland, ayaa la filayaa in ay maalinta beri 22 Nov 2014, ku dhawaaqaan go’aankooda. Kadib markii ay soo dhamaadeen kulamo ay dhinacyada la yeesheen.
Lama ogga nooca uu noqonayo Go’aanka Ergada dhex-dhexaadinta ee khilaafka golaha Wakiiladda, balse tibaaxo laga helay ila wareedyo ku dhow dhow, ayaa u xaqiijiyay shebekadda wararka ee Araweelo News Network in ay maalinta Sabtida ee Beri soo saari doonaan go’aankooda, waxayna tabaaxahaasi sheegayaan in ay suurta gal tahay in meesha laga saaro mooshinka abuuray khilaafka ee la doonayay in xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale waxay tibaaxuhu sheegayaan in Xoghayihii Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo muddo ka baddan Todobaad xabsiga ku jira xukun la’aan lagu soo daro go’aanka guurtida ee laga soo saarayo khilaafka. Kadib markii markii Guddoomiye Cirro ku darsaday ajandaha uu hordhigay ergadaa.
Sidoo kale waxay Tibaaxaha shebekadda Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo ku dhow dhow ergada guurtida sheegeen in go’aamada ay ku jirayaan in wixii khaldamay ee golaha dhexdiisa ka khaldamay si wadajir ah gole ahaan ay u saxdaan, iyadoo waxyaabaha dib loo saxayo ay ka mid yihiin Xeerka Diiwaangelinta Medeniga ah ee lagu eedeeyay Guddoomiye Cirro inuu gudbiyay qodobo aan ahayn kuwii golaha wakiiladu u codeeyeen, kuwaas oo abuuray muranka sababay in xubno ka mid ah golaha Wakiiladdu qorsheeyaan in ay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI soo dhigaan fadhigii u danbeeyay, kaas oo sbababay in ay ergada guurtidu soo dhexgalaan. Sidaana ku baajiyaan fadhigaa.
Ergada Guurtida ayaa hore u hakiyay fadhi Golaha Wakiiladda Somaliland u balansanaa 18 Nov 2014, kadib markii ay Xildhibaanadu Sabtidii lasoo dhaafay ay golaha soo dhigeen mooshin xilka kaga xayuubiyay Guddoomiyaha Golaha, balse la joojiyay kadib markii ay Gurtidu ku guntatay.
Xildhibaanada, ayaa muddo laba maalmood ah u qabtay Ergada, balse labadaa malmood oo ahaa Axadii Isniintii, waxayna xildhibaanadu u balameen in ay Salaasadii lasoo dhaafay oo ku beeganayd 18 Nov 2014, isugu soo laabtaan Fadhiga Golaha iyagoo sita Mooshinkii ay hore usoo qorshaysteen in xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro, balse kulamadii labada dhinac dhexmaray ee ay Guurtidu la yeesheen labada dhinac, ayaa baajiyay kadib markii Guurtidu labada dhinac ku qancisay in go’aankooda la sugo, isla markaana waxay Xildhibaanada u balansanaa maalinta Salaasada fadhiga ku qanciyeen in la sugo ilaa Sabtida soo socota, taas oo ay labada dhinac aqbaleen. Sidaana waxa lagu baahiyay shebekadda Araweelo News Network Salaasadii lasoo dhaafay, iyadoo soo xigganaysay shebekadu warar ku dhow dhow dhinacayada khilaafka iyo ergada dhex-dhexaadinta.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com