Araweelo News Network

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi

Oodweyne (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in bulsho kasta oo isku degaan ah, kana soo wada jeeda qabiil qudha ay isku oodeen meel amma degaan gaar ah, taasoo uu xusay inay sabab u noqotay kala qoqobnaanta haysata dadka reer Somaliland.
Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad soo dhawayn ah oo loogu sameeyey magaalada Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh, waxa uu tilmaamay in loo baahan sidii bulshada looga saari lahaa kala qoqobnaanta, loona abuuri lahaa jawi dadku ku sameeyaan isdhexgal si qarannimada Somaliland u wanaagsanaato.
“Si ay qarannimadu inoogu wanaagsanaato oo la isku dhexgalo, loogana baxo qoqobnaanta iyo waxyaabo badan oo cid walba tirsanayso. Imminka haddii aad tagto magaalo kasta iyo gobol kasta waxa ay is leeyihiin haddii aad tahay magaaladaas amma gobolkaas waa lagu dulmiyey oo waa lagaa badsaday, waxaynan u baahanay in degaanadeenu is dhexgalaan oo isku war hayaan oo ay is ogaadaan cid walba waxa ay qabto, ilayn haddii kale in walba iyada ayuun baa isku sheekaysanne,” ayuu yidhii Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Magaalooyinka waaweyn oo kale, sida Burco, Ceerigaabo, Boorama iyo Hargeysa waa la kala qoqobmay oo xaafad walba waxa ay isugu sheekaysaa mafrishkeeda oo xaataa raggii isku gudbi jiray ee kaftami jiray (ma jiraan hadda) oo qolo walba waxa ay samaysatay mafrish u gaar ah, kadibna dadku way go’doomeen. Dhallinyarada iyo haweenkiina waa la go’doomiyey oo xaataa hablihii waxa ka xumaaday haasaawihii oo mid jaarkooda amma xaafadooda ah ayuun baa ku wareegaysta halkii ay ka ahayd in aynu isku gudubno, markaa waxa aynu u baahanahay in aynu dadka ka saarno xabsigan yaryar oo aynu u beddelno qarannimo, taasina waa ta aynu u samaysanay xisbiyada.”
“Si aynu haddaba taas uga baxno, annigu waxa aan maanta marayaa Daad-madheedh (Oodweyne), waanan ku soo noqonayaa oo weliba wax ii sheegay mooyaane, maskaxdaydu miyey riyootay? Ma run ayey noqonaysaa? Waxa aan annigu qabaa Daad-madheedh labada xisbi ee kaleba in aan kaga badinayo, sababtuna wax kale maaha ee waxa aan doonayaa qof kasta oo reer Daad-madheedh ah oo aqoonyahan ah, waxgarad ah oo dawlad wax ka yaqaan, dhaqanka wax ka yaqaan in aan la doodo oo ku qanciyo in aan labada kaleba (murrashaxiinta WADDANI iyo UCID) ka badinayo haddii aannu doodno. Haddii aan qancin waayo oo marka aan la doodo qofka, dadka iyo bulshadaba aan doodayda ku qancin kari waayo eed ma laha oo anniga ayaa imtixaankii ka soo bixi waayey,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Murrashaxa KULMIYE ayaa sidoo kale sheegay in ragga murrashaxiinta ah ee la tartamayaa ay yihiin dad fiican oo iyagana looga baahan yahay inay meel kasta oo dalka ah maraan, iskuna dayaan inay bulshada ku qanciyaan sidii codka loo siin lahaa, isagoo tilmaamay in murrashax kasta oo la doorto yahay mid reer Somaliland ah.
“Reer Daad-madheedh waxa lagu yaqaan talo-qabeenimada iyo inay meel dheer wax ka arkaan, markaa ka fili maayo Daad-madheedh inay qolo iyo meel yar oo hoose ku soo wareego ee waxa laga filayaa inuu qaranka hoggaamiyo oo meel dheer wax ka toogto,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo uu ka hadlay sababka looga baahan yahay in dadka muwaadiniinta ah qaataan kaadhkooda codbixinta, waxaannu yidhi; “Kaadhka waxa aynu u qaadanaynaa in aynu cod bixino, codkana waxa aynu u bixinaynaa in aynu dalkeena ku wanaajinno, xisbiyaduna waa xisbiyo wada reer Somaliland ah, waana isku wada mid oo mid walba Somaliland ayuu u shaqaynayaa, laakiin waxa aynu doorashada u gelaynaa ragga la sharraxay iyo xisbiyada barnaamijkooda oo la kala dooranayo.”
Waxaannu intaas ku daray; “Haddii aannu KULMIYE nahay waxa aannu wax ku doonaynaa xisbinimo iyo waxqabadka lixdii sanno ee aannu dalka haynay, markaa degaan kasta, gobol walba iyo degmo kasta waxa aannu leenahay wixii aanu qabanay waa kaas (muuqda), wixii dhimana sidaas ayaannu u qabanaynaa, markaa waxa aannu ku guuraynaa waa barnaamij xisbi, waanan ognahay in wax dhinmi doonaan oo dad badan nagu cannaanan doonaan, laakiin annagu waddo ayaannu haynaa.”