Hargeysa(ANN)-Dad la karantiimeeyay oo kasoo degey garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa y shalay, kadib markii ay diyaarada Ethiopia Airline kasoo qaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa ka muujiyay saluug cabasho ah qaabka ay Xukuumadda Somaliland ula dhaqantay.

Dadka Rakaabka oo looga shakiyay caabuqa Coronavirus, ayaa ahaa siddeed qof, kuwaas oo diyaaradu keligood kasoo qaaday Addis Ababa, isla markaana kasoo kicitay dalalka Yurub iyo kuwo kale  ee caabuqa Coronavirus ee (COVID-19), sida weyn u aameeyey, ayaa markii ay soo gaadheen garoonka diyaaradaha ee Hargeysa (Egal International Airport), waxa la geeyay guri ku yaal dhanka Woqooyi galbeed ee magaalada Hargeysa, si xaaladdooda loola socdo mudada ay ku jiraan karantiinka.

Dadkaa oo ahaa siddeed  qof, ayaa sheegay inay yihiin muwaadiniin uwd dhashay Somaliland oo kusoo laabtay dalkooda, waxayna ka cawdeen xaaladda guriga la dejiyay, iyadoo sida ay sheegeen qaarkood yihiin dad waayeel ah oo qaba xannuuno, isla markaana ay xaaladdooda caafimaad saxa ahaan ku haboonayn meesha lagu karantiimeeyay iyo agabka gurigaa yaalay ee go’gosha looga dhigay.

Waxayna, iyagoo warbaahinta la hadlay maanta ka cawdeen xaaladda ay ku sugan yihiin, kadib markii ay gurigaa u hoydeen xalay, iyagoo ka codsaday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland in xaaladdooda dib loo eego, si aannu caafimaadkoodu khatar u gelin.

Cumar Cali Cabdullaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, ayaa sheegay Apr 13th, 2020, in saddex kiis ee cusub laga helay gobollada Awdal iyo Maroodijeex, taas oo tirada guud ee dadka cudurkan laga helay ka dhigayssa 5 qof. isagoo dhinaca kale xusay in 14 qof baadhitaanka caafimaadkooda dalka dibaddiisa loo diray ay natiijadii ka soo baxday noqotay in saddex ka mid ah laga helay xannuunka Coronavirus.

Somaliland, ayaa hore u shaacisay in xanuunka Covid-19 laga helay laba qof oo midkood yahay Ajaanib u dhashay dalka Shiinaha oo ku sugan magaalada Berbera, halka qofka kalena ku nool yahay magaalada Burco ee xarunta gobolka Toghdeer,walaw Wasiirka Caafimaadku sheegay in labadaa qof ay xaaladdoodu wanaagsan tahay oo ay wasaarad ahaan la socdaan.

Coronavirus oo ah xannuun si weyn dunidu uga qaylisay, ayaa sababa dhimasho, isagoo weerrara neef-mareenka, waxaana la rumeysan yahay inuu ku soo ifbaxay magaalada Wuhan ee Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo hormood u yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, kuwaas oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.
Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu caabuqa COVID-19, oo kasoo faafay halkaa ku faafay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 2,280,787, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 156,345, halka 583,431, oo qof kasoo kabteen, sida lagu sheegay mid ka mid ah meelaha lagu diiwaangeliyo oo lagu magcaabo worldometers.info, walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay.