Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Koox Haween ah, ayaa si weyn uga cawday adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar oo ka mid ah Cusbitaalada Magaalada Hargeysa, kuwaas oo iyagoo sita Boodhadh waaweyn cabashadooda kusoo bandhigay barxada hore ee dhimaha Cusbitaalka.

 

Haweenkaa oo la hadlay Telefishanka SAHAN, ayaa u sheegay in cabashadoodu la xidhiidho dhakhaatiir ajaanib ah oo xarun ka dhigtay Cusbitaalka Gargaar, kuwaas oo waday mashruuca taageerada sidii ay haweenku Ilmo u qaadi lahaayeen iyo xaaladaha la xidhiidha Ilma-galeenka iyo Macdanta ee Haweenka.

 

“Waxa ka mid ahaa shurruuddaha in dhakhtarku 50% ku guulaysanayo hawsha Ila-beerista, taasna may suurta gelin, balse taa beddelkeeda waxa jirta dhibaato caafimaad oo ay la kulmeen dumarkii mashruuca loo samaynayay, kuwaas oo qaarkood Fiixo ku samaysmeen iyo kuwo Caadadu ka khal-khashay, marka laga yimaado dhibaatooyinka dhaqaale, waxa kasii daran dhibaatooyinka kale ee ka dhashay ee saamaynta ku yeeshay qoysas baddan oo ku bur-buray,” ayay tidhi, mid ka mid ah Haweenkaa oo ka hadlaysay waxayaabaha ay kala kulmeen Cusbitaalka Gargaar.

 

“Waxaan ka cabanaynaa dhakhtarta uu leenay Aw-koombe, waxa markii hore dhakaahtiirtu igu sheegeen in ay Fiix igu taallo, laakiin markii aan halkan imi (Gargaar), waxa laygu sameeyay Shaybaadh (Computer), waxay igu yadhaahdeen, “waxaba kuguma yaaliin”, saddex bilood markii ay na haysteen ee lacagtii naga dhameeyeen ee ay na qaleen ee ay na safeeyeen ayay yidhaahdeen Fiix ayaa ku taal.” Ayay tidhi, mid kale oo ka mid ah Haweenka la hadlay Telefishanka SAHAN.

AKHRI: Madaxweynaha Oo Sheegay In Aanay Tacliinta Iyo Caafimaadku Noqonayn Wax Laga Ganacsado

Haweenayda ayaa sidoo kale sheegtay in Dhakhaatiirta imanaysay ee ka imanayay Hindiya ay ahaayeen kuwo marba mid cusub imanaysay, waxayna sheegtay in Dr. Aw-Koonbe aannu dheg u dhigin cabasho ay u gubisay, isla markaana aannu siin jawaab qancisa, “May ahayn Dhakhaatiir ee waxay ahaayeen Kalkaaliyayaal dadka lagu baadhnayay.” Ayay tidhi.

 

Dumarka ka cabanayay adeegga caafimaad ee ay u doonteen Cusbitaalka Hargeysa, ayaa dhaliil suoo jeediyay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ay sheegeen in ay ku eegtay dadka dhakhaatiirta ah ee ajaanibka ah ee dalkooda ku baadhanaya, waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi inuu dhegaysto cabashadooda, isla markaana guddi baadha loo diro kiiskaskooda si meel loogu tiiriyo arrintooda.

Somaliland, waxa kusoo batay dad ajaanib ah dibedda laga soo waarido, kuwaas oo bulshada loogu sheego in ay yihiin dhakhaatiir khuburo ah, waxayna Xukuumadda Somaliland hore u sheegtay horaantii 2019, in ay dalka ka masaafurinay dhakhaatiir aan xirfadooda dhalhtarnimo ahayn mid sax ah, kuwaas oo gaadhayay ku dhowaad laba boqol sida lagu sheegay tirakoob ay guddida mihnadlayaasha caafimaadku sheegeen xilligaa, balse arrintaa ayaan wax baddan ka hirgelin, waxayna ahayd oo keliya sheeko maalo la hadal hayay.

Dhinaca Masuuliyiinta Cusbitaalka Gargaar oo warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa ku dooday in dumarka cabbanayaa ay rabitaankooda ku yimaadeen, isla markaana aannay arrintu ahayn in Iaga caawinayay sidii ay Ilmo u qaadi lahaayeen, balse ay jireen xannuuno kale oo laga dawaynayay.

Sidoo kale, waxay masuuliyiinta Cusbitaalka Gargaar ku doodeen in dadku markay u imanayeen ay oggaayeen in hawshooda lagu guulaysanayo, ama lagu guuldaraysanayo, isla marakana dadkii lagu guulaysan waayay hawshooda loo celiyay lacagtii laga qaaday.