Roma (ANN)-Warbaahinta dalka Talyaaniga, ayaa qaadaa dhigtay hadal-haynta sheeko qabsatay maalmihii u danbeeyay oo ku saabsan haweenayda dhowaan qaadatay diinta Islaamka ee Al-shabaab sii daysay, taas oo u dhalatay dalka Talyaaniga, isla markaana magaceedii hore ee Silvia Romano ku bedeshay Caasha.

sawirka Anadolu Agency/Getty Images

Dhaleecayn iyo hanjabaado kaga yimi Kiristanka xag-jirka ah oo loo soo mariyay baraha Bulshada, waxayna, iyadoo ka jawaabaysa ficiladaa boggeeda Facebook-ga kusoo qortay Aayado quraanka Kariimka ah oo ay ku fasirtay luuqaddeeda Talyaaniga.

Marwo Caasha oo hore loo odhan jiray Silvia ayaa dhawaan dib ugu laabatay dalkeeda kaddib markii laga sii daayay afduub muddo labo sannadoo ah loogu heystay gudaha Soomaaliya.

Muran hor leh iyo dodo ayaa ka dhashay markii ay soo qortay Aayadaha quraanka Kariimka ah, iyadoo  oo dadka ay fikrado kala duwan ka qaateen ujeeddada ay ka leedahay.

Labada aayadood ee ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga ayaa ku jira suuradda fussilat.

Shukri Siciid, oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan Talyaaniga, ayaa BBC-da u sheegtay in siyaabaha loo fasirtay ujeeddada Caasha ay ka mid tahay in laga shakisan yahay inay difaaceyso qolyihii afduubka u haysatay.

“Hadalkeeda macnihiisa annigu waxaan u fasirtay in maadaama dadka xagjiriinta lagu tilmaamo ee loo aaminsan yahay inay yihiin dad xun ay iyadu leedahay dadkaas aad cadowgaaga u aragtid ee aniga xorriyaddeyda iga qaaday waxaa dhici karta inay saaxiibbadaada dhow noqdaan, laakiin samir bay u baahan tahay. Marka waxaad meeshaa ka dhuuxeysaa in iyada iyo nimankii haystay oo ay u afduubneyd ka gudbeen xadkii qof la heysto iyo qof wax heysta,” ayey tidhi Shukri.

Wargeysyada kasoo baxa talyaaniga ayaa aad u falanqeynaya tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadday Caasha, xilli markii hore uu taagnaa muran xoog leh oo ka dhashay islaamnimadeeda.

Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa dhawaan furtay baadhitaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Caasha, (Silvia Romano), sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Kiiska ayaa ilaa hadda socda, waxayna gabdhan ay mar kasoo muuqatay maxkamadda kiiskeeda dhageysanaysa.

Naceybka loo muujinayay haweenayda qaadatay diinta xaqa ah, ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxayna dad badan  oo ka mid ah kuwa xag-jirka ah ku doodayeen in ay khalad ahayd sii deynteeda iyo dadaalkii ku baxayba.

Ciidammada sirddoonka Talyaaniga ayaa sheegay in soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Caasha, ayaa markii ay dib ugu laabatay magaalada ay kasoo jeeddo ee Milan waxaa lagu soo warramay inay la kulantay culeys kaga yimi dhinaca bulshada, maadaama lagu dhaliilayo inay diinta islaamka qaadatay xilli afduub loo haystay.

Warbaahinta dalkaas ayaa soo tabisay in mar gurigeeda lagu tuuray quraarado.

Guddiga bulshada muslimiinta ah ee magaalada Milan, ayaa soo dhaweyn u sameeyay Caasha, waxayna ballan qaadeen inay difaaci doonaan rabitaankeeda iyo nafteeda.

Laakiin farriin ay u dirtay ayey ugu sheegtay inaysan wax garab ah u baahnayn xilligan, oo iyadu ay isku filantahay, waxayna uga mahad celisay jacaylka ay u muujiyeen sida ay uga damqadeen dhaleecaynta loo jeediyay.

Badhtamihii bishan, Xildhibaan ka tirsan garabka midig ee dalka Talyaaniga ayaa canaan weyn la kulmay kaddib markii uu “Argagixiso cusub” ku tilmaamay Caasha.

Alessandro Pagano, oo ah mudane baarlamaanka u matalaya xisbiga qaxootiga neceb, ayaa soo hadal qaaday Caasha (Silvia Romano), mar uu ka cabanayay waxa ay dowladda uga caga jiidaysay in dib loo furo kaniisadaha, xilligan lagu jiro xayiraadda uu sababay cudurka Coronavirus, inkastoo markii dambe la furay.

Pagano wuxuu sheegay in “fikir diin nacayb ah” uu ku jiro xukuumadda isbahaysiga ah ee hadda dalka Talyaaniga maamusha, wuxuuna intaas ku daray in “sidaasoo ay tahay markii ay gabadha argagixisada cusub ah dalka dib ugu soo laabatayna…”

Hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu ku durayay go’aanka ay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda ku salaameen Caasha (Silvia Romano), markii ay garoonka diyaaradaha kasoo degtay.

Caa’isha Romano oo waxay ahayd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfurta bari ee Kenya. Balse koox hubaysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda ayaa garoonka diyaaradaha uga hor tagay markii ay Silvia kasoo dageysay magaalada Rome ee caasimadda dalkaas.

Wararka la xidhiidha Silvia (Caa’isha) ayaa isasoo tarayay todobaadyadii lasoo dhaafay, bulshada Talyaaniga ayaana u muuqda inay ku kala qeybsan yihiin xaaladdeeda, xilli qaarkood ay dhaliilayaan kuwo kalena difaacayaan.