Share this:

" /> Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Thu, Oct 10th, 2019

Hay’addaha Dawladda Federaalka Oo Musuq-maasuq Ragaadiyay

Share This
Tags

Muqdisho (ANN)- Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin sannadeed ku saabsan baadhitaan ay ku sameeyeen musuq-maasaqa Hay’addaha maaliyadda dowladda Federaalka ee dalkaas.

Warbixinta waxa lagu xusay inay khasnadda Dawladda ka maqan yihiin Lacago Malaayiin dollar, balse aan illaa hadda la garanayn sida loo isticmaalay, isla markaana aan si cad loogu shaacin warbintaa cida lagu tuhunsan yahay.

Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa warbixin qoraal ah oo uu baahiyay ku faah faahiyay baadhista uu ku sameeyay Hay’adaha Dowladda qaar dakhli uruuriyeen iyo deeqaha caalamiga ah, warbixintan ayaa daaha ka rogtay musuq-maasuqa hay’adaha Dowladda, xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ayaa ku sheegay warbixintiisa in Wasaaradda Gaadiidka, Hay’adda dambi baadhista (CID) iyo Jaamacadda Umadda dakhliga ay qabteen ay dib u isticmaaleen isla-markaana aan la helin hab baadhistu ku sii socon karto.

“Muunadda baadhista aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaadhaya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972).

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baadhista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay,” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta ayaa lagu xusay deeqaha Caalamiga ah ee ay hesho dowladda Federaalka ah, deeqahaa oo ah kuway ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, waxaanay Warbixintu sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaadhayso $19,872,827 doolar.

Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeqbixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.


Halkan Ka Daawo hanti-dhawrka oo sharaxaya qaabka lacagtaa loo lunsaday

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

#8Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp