Araweelo News Nework

Hoggamiyayaasha heshiiska Soodaanta Koonfureed

Khartuum(ANN)–Ra’iisal wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan kaga qayb galay munaasabadda lagu saxeeyay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

Heshiiska Soodaanta Koonfureed

Ra’iisal wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaa saxeexa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada oo dhan ay ku qanacsanyihiin.

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay dhinacyada heshiiska saxeexay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

“Xaaladda murugeysan ee dalkiinna da’da yar ma qeexayso mustaqbalkiinna, waxa aan idiin xaqiijinayaa  in laga guuleysanayo dhibaatada jirta. Waxyaabaha wanaagsan ee labaddeenna dal ay wadaagaan ayaa ah in aan leennahay khayraad dabiici ah oo dihin iyo bulsho ku wanaagsan hal abuurka ganacsi”, ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare Khayre.

“Sida ku cad war-bixintii dawladaha daciifka ah ee soo baxday 2017, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa ahaa laba dawladood ee ugu daciifsan dunida, casharro adag ayaan ka barannay iyo in ay muhiim tahay in aan u tanaasulno dadkeenna, tanaasulku ma aha astaan muujineysa in aan liidanno ee waxa ay muujineysaa awoodeena iyo fahamka mustaqbalka” ayuu Ra’iisal  wasaaruhu raaciyay hadalkiisa.

“In aan garannay xalka mushaakilaadkeenna keliya ma saameyneyso horumarkeenna ee waxa ay saameyn ku leedahay deriskeenna iyo gobalka oo dhan, waana arintaas sababta aan idinkugu dhiirri gelinayno in aydaan dib eegin  ee aad sawirataan mustaqbalka idinka oo u danaynaya dadkiinna. Sida dib u soo kabashada Soomaaliya oo kale, badbaadinta Suudaanta Koonfureed waxa ay farxad gelineysaa dadaalka qaaradda Afrika. Waxa aan idiin xaqiijinayaa in Soomaaliya ay ka go’antahay in Suudaanta Koonfureed ay hesho nabad, ammaan iyo xasilooni waarta”, ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay munaasabadda lagu saxeexay heshiiska xalka lagaga gaadhay colaadii Suudaanta Koonfureed.

Heshiiska oo dhaqan-gelintiisa ay dusha kala soconeyso IGAD ayaa ogolaanaya in Riek Machar oo ahaa hogaamiyaha mucaaradka uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawladda midnimada qaran.

Mudda sedax bilood ah ayaa loo qorsheeyay in dhinacyada saxeexay heshiiska ay kusoo dhistaan dawladda wadaagga ah oo talada dalka hayn doonta muddada sedaxda sano ah ee soo socda ah.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya