Madaxweyne Sannadkii Afraad Ayaa Kugu Socda, Waddadii Ceeraabona Waad Aragtaa, Waanu Kuu Trinaynaa Waana Ku Dul Taaganahay”Xirsi Cali

Hargeysa (ANN)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ka qayb-galay munaasibad loo qabtay dafcaddii 17aad, ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Hargeysa, ayaa si cilmiyaysan ugu qaadaa-dhigay qorshaha waxbarashadda ee mustaqbalka Somaliland.

Hoggaamiye Xirsi, wuxuu Madaxweynaha xusuusiyay in xukuumaddisu gelayso sannadkii Afraad oo ay uga hadheen muddo Afartan habbeen ah, sidaa ay awgeed ay mucaarad ahaan u tirinayaan saacadda ku soconayso Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ay mucaarad ahaan eegganayaan.

Xirsi, ayaa tisaale usoo qaatay dalalka horrumarka ka sameeyay tayaynta dhanka waxbarashadda ee dunida, isagoo tilmaamay in lays weydiiyo siyaasada iyo qorshaha waxbarashadda Somaliland, isla markaana madasha ka jeediyay su’aalo u baahan in lays weydiiyo, isagoo qaab tilmaan ah ugu sheegaya Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa.

Wuxuu soo qaatay Jaamacaddaha dalka ka jira, Waxbarashadda gaarka ah iyo ta dawliga ah oo uu sheegay in ay ka muuqato kala qaybsanaan baddan, isla markaana loo baahanyahay in la mideeyo oo dib loogu noqdo qorshihii KULMIYE, ee ku waajahnaa arrintaa oo sida uu sheegay xukuumadda danbe ee KULMIYE, ee Madaxweyne Muuse Biixi ugu jirtay qorshaha, balse aan suurta gelin weli.

Sidoo kale, hoggaamiye Xirsi, wuxuu Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ku baraarujiyay qorshayaashii iyo mashaariicdii xukuumaddii KULMIYE, ee hore waday iyo waxa ka qabsoomay markii uu KULMIYE, mar kale ku guulaystay talada dalka, wuxuuna tusaale usoo qaatay Waddada Ceergaabo oo sida uu sheegay qorshihii horre ee xukuumaddii uu ka tirsanaa ee KULMIYE, u qoondaysay in ay dhammaato.

“Madaxweyne Waddada Ceergaabo waxay ahayd mashruuc ay Somaliland qabsato kii ugu ballaadhnaa, sannadkan ayaa gaadhigayga kusoo mitiriyay, waxa laga yaabaa in numbaro laguu sheego, waxa inoo qorshaysnayd inay dhammaato 2016, tacab baddan ayaa waddadaa igaga jiroo waan waraystaa maalin walba, waxay joogtaa Fadhi-gaab, waxad moodaa in ay halkii kasoo dhaqaaqday tobbaneeyo, waddadii kale Madaxweyne ee Imaaraadku bixinayay lacagteeda ee maalintii dhowayd aad furtay saddex sannadood 12KM ayaa ku dhamayseen Madaxweyne.” Ayuu yidhi, Hoggaamiye Xisri.

Madaxweyne Biixi, ayaa hadalka Hoggaamiyaha Xirsi oo sacab baddan u dhacay markii uu akhriyay waxyaabaha dhaliisa ah ee uu tilmaamayo ku macneeyay in aan loo arkin xumaan, balse ay tahay toosin, isagoo weliba Madaxweyne Biixi, ku sifeeyay Xirsi inuu ku fiicanyahay mucaaradada.

Halkan Ka Daawo Hoggaamiye Xirsi oo Madasha ka Halaya.