Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dalka  Eritrea Isaias Afwerki, ayaa wada jir usoosaaray waxyaabo ay ku heshiiyeen, kadib kulamo wadatashi ah oo ay ku yeesheenVillaSoomaaliya.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay kulanka Labada hoggaamiyokadib, waxay ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ballaadhiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xidhiidhka tooska ah ee labadashacab ee Somalia iyo Eritrea.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki booqashada taariikhiga ah ee uu ku tegeySoomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa tilmaamay in booqashadan ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta,argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu waajahayo GobolkaGeeska Afrika.

Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyeydowladda iyo shacabka Soomaaliyeed  soodhaweynta ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sheegay in uu adkeeyeymuhiimadda uu leeyahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’addo Amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaannabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.

 Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.