Tehran(ANN)-Xukuumadda Dalka Iraan, ayaa shaacisay tirada dadka ilaa hadda ku dhintay dalkeeda ee uu haleelay Cudurka Coronavirus, Wasaaradda caafimaadka ee Iiraan ayaa sheegtay in tirada dhimashada cudurka coronavirus ee ka dhacday dalka ay gaadhay 12 qof, halka tirada la xaqiijiyey in cudurka haleelay gaadhayaan 64.
Afhayeenka wasaaradda Iraj Harirchi ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu Tehran ku qabtay Isniintii isaga iyo Ali Rabiei, oo ah afhayeenka xukuumadda Iraan.

Harirchi wuxuu beeniyay tirada dhimashada ee Xildhibaan matalaya deegaanka Qom ka sheegay Baarlamaanka dhexdiisa, isagoo ku sheegay inay dadka dhintay gaadhayaan 50, Magaalada Qom, ayaa ah meeshii kiiskii ugu horreeyay ee dhimashada fayraska lagu arkay.
“Haddii la xaqiijiyo in xitaa nus ka mid ah tiradani ay run tahay, waan iska casili doonaa,” ayuu yidhi, Iraj Harirchi, Afhayeenka wasaaradda Caafimaadka Iraan.

Sarkaalka wasaaradda Caafimaadka, ayaa ku booriyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah sidii looga hortegi lahaa dhibaatada. ayuu yidhi, wuxuu sheegay inay bilaabeen wacyigelinta qaabka loo kala qaadayo Cudurka iyo taxadirka loo baahanyhay ee lagama maarmaanka ah ka dib markii uu cudurku ka dillaacay dalka Shiinaha.
“Xilligan, xaaladdu waxay ku dhowdahay inay xasiliso waddanka, waxaanan ku guuleysanay inaan yarayno dhibaatada illaa inta ugu yar,” ayuu yidhi, Harirchi.

Tirada dhimashada ee ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan waxay muujinaysaa korodhka tirada dhimashada oo ahaa sideed qof oo la sheegay Axadii.

Afhayeenka wasaaradda ayaa sheegay in gobolka Gilan ee waqooyiga Iraan ay ka dhacday tirada ugu badan ee cudurrada ka dib magaalada Qom.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sarkaalka u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Iraan si cad meesha uga saaray suuragalnimada “xannibaaddu” inay tahay tallaabo lagaga hortegayo cudurka dillaaca, isagoo sheegay in cabirku yahay mid ku habboon duruufaha dagaalkii labaad ee Adduunka ka dib, sidaa awgeed loo isticmaali doono sida xakamaynta daacuunka.
Balse waxa uu sheegay inay kasoo horjeedaan xaannibaada “Qufulka ayaa leh natiijooyin. Waana kasoo horjeednaa,” ayuu yidhi, isagoo u jeeda qaar ka mid ah Dalalka Aduunka oo xayiray safarada dadkoodu ku tagaan Dalka Iraan iyo kuwa ka imanaya.
Harirchi wuxuu canaantay waddamada qaarkood inay diidaan inay si hufan uga hadlaan tirada dhimashada ee fayraska. Kuwaas oo ay ka mi yihiin dalalka dariska kala ah Iraan dhanka Koonfureed, halkaas oo warbixinnada aan rasmiga ahayn ay tilmaamayaan inay Cudurka ugu dhinteen dalka Iraan 18, laakiin ma jiraan caddaymo rasmi ah oo la soo bandhigay, ayuu yidhi, ka hor inta aan la sheegin.
Dalalka Turkiga, Pakistan aiyo Armenia, ayaa gebi ahaanba xidhay xuduudaha ay wadaagaan dalka Iraan, kadib markii ay Xukuumadda Tehran xaqiijisay dhimashada dadka la xaqiijiyay inay u dhinteen Cudurka Coronavirus.
Cudurka Coronavirus, ayaa ka bilaabatay magaalada Wuhan ee bdhrtamaha Shiinaha bishii Diseembar. Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saartay Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa muujinaya inay ku dhinteen in kabadan 2,627 gudaha Shiinaha, halkaasoo in kabadan 79,737 qof oo uu haleelay Cudurka, kuwaas oo lala tacaalayo caafimaadkooda, 25,285 ka mid ah ay kasoo kabteen Cudurka Coronavirus.


Fayriska Cudurka Coronavirus, ayaa markaa kadib u talaabay Yurub iyo Aasiya, waxaana dalka Talyaaniga lagu arkay cudurkaa oo galaaftay, waxaana xuukamadda Talyaanigu ay sheegtay inay Cudurkaa u dhinteen ilaa 50 qof, waxaana la karantiimeeyay deegaamada lagu arkay Cudurka.

Qiyaastii 50,000 oo ka mid ah dadka ku nool magaalooyinka ay xayiraada saartay Xukuumadda Talyaaniga, ayaa lagu war geliyay inay joogaan guryahooda oo ay ka fogaadaan xidhiidha ay la samaynayaan Bulshada, sidoo kale, waxa la joojiyay Iskuullada, dukaammada iyo ganacsiyada marka laga reebo xarumaha Caafimaadka. waxaana sidoo kale la xayiray xaflado iyo munaasabado dhanka Ciyaaraha oo si wey Dalka Talyaaniga looga xiiseeyo, Ciyaaraha kubadda Cagta ee Serie A, ayaa la hakiyay labadii maalmood ee u danbeeyay.
Xukuumadda Talyaaniga, ayaa si weyn uga wer-wersan dhibaatada soo food saartay, waxayna si weyn uga cabsi qabaan saamaynta ay arrintan ku yeelanay dhaaalaha dalka oo awalba aan wanaagsanayn.


Dhinaca kale, dalalka South Korea, ayaa xaqiijiyay in tiro gaadhay 833 qof lagu arkay Cudurka, kuwaas oo 7 ka mid ah ay u dhinteen, sidoo kale, dalalka Afghanistan, Kuwait, Iraq iyo Bahrain, ayaa la xaqiijiyay in lagu arkay Cudurka Coronavirus, waxayna u muuqataa in haatan si weyn dunidu uu ugu firdhay fayriska Coronavirus, kaas oo durba kala qoqobay xidhiidha iyo macaamilka dunida, isla markaana sababay inay dalalka qaarkood mamnuucaan safarada dadka ka imanaya dalalka lagu arkay iyo kuwa doonaya inay u sadcaalaan.