Tehran(ANN)- Xukuumadda Dalka Iran, ayaa Madaxweynaha Maraykanka, Donld Trump ku eedeeysay in uu awooddi waayay inuu canbaareeyo dadka ay Boqortooyadda Sucuudigu ku fulisay xukunka deldelaada ah ee ku jiray xabsiyada dalkaa.

Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Iran,  Mohammad Javad Zarif, wuxuu Maraykanka ku cannaantay sida ay uga aamuuseen talaabadii Sucuudigu uu ku laayey dadkaa oo lagu sheegay tiro gaadhay 40, qof,  kuwaas Sucuudi Arabiya maalintii shalay madaxa ka gurtay, iyadoo ku tilmaantay inay ahaayeen argagixiso dambiyo qorshaysan ka maleegayey dalka Sucuudiga.

“Kadib markii la jar-jaray qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul, suxufigii Jamal Khashoggi, Oct, 2018,  Maamulka Madaxweyne Trump si dhab ah ugama hadlin, balse markii Saudi-gu ay madaxa ka gooyeen 37, ragg ah maalin qudha, taasoo ka dambaysay munaasibadii Easter-ka,” ayuu ku yidhi, Mr Zarif barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Wasiirka Arimaha Dibada dalka Iran, ayaa ku dooday in la taliyaha amniga Qaranka ee Mareykanka John Bolton uu yahay qofka difaacaya Boqorka Sucuudiga, Bin Salman, Bin Zayed iyo ‘Bibi’, wuxuuna xusay inay  ka difaacayaan dembi kasta, “ayuu yiri Zarif oo ka hadlaya siyaasiyiinta sarreeya, ka sokow bin Salman, Maraykanka, Imaaraadka Carabta iyo Israel, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay La taliyaha amniga Qaranka ee Mareykanka John Bolton, Abu Dhabi Crown Prince Mohammed bin Zayed Al Nahyan iyo Ra’iisul-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay in xukunno daldalaad ah ay ku fulisay ku dhowaad 40 qof oo ay ku eedaysay in ay ku lug lahaayeen dambiyo ay ugu yeertay falal Argagaxiso.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga oo ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga,  ayaa lagu sheegay in dadka ladilay lagu fuliyay xukunno dilal ah oo ay ku sheegtay inay ahaayeen dad ku eedaysan afkaarta ay aaminsanaayeen oo ah Fikir ay ku macnaysay Xagjirnimo, waxaana falalkan daldalaadda ah ay ka dhaceen magaalooyinka Riyaad, Alqasiim,Casiir iyo labada magaalo ee Barakaysan oo kala ah Makka Al Mukarrama iyo Madiina Al Munawarah.

Xukuumadda Sacuudiga, ayaa horre u khaarajisay dad u xidhnaa arrimo siyaasadeed, kuwaas oo kasoo hor jeestay siyaasadda Maxamed Bin Salmaan,  la xaqiijiyey in Afar bilood gudahood dowladda Sacuudiga ay xukunno daldalaad ah ku fulisay ugu yaraan 80 qof, kuwaas oo ka mid ahaa kumanaan xabsiyada ku jira.

Dawladda Sucuudiga, ayaa lagu eedeeyay inay dadka kasoo horjeeda Siyaasada Boqor Salmaan iyo dhaxal sugaha oo ah wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan, taas oo waafaqsanayn dilka shareeca islaamka ee qisaasta, waxayna Sucuudigu marar baddan  canbaarayn kala kulmaan Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha.