Hargeisa(ANN)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay xiisada mudooyinkii u dambeeyay u dhaxaysay Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna si  adag ugu dhaliilay Xukuumadda Muuse Biixi, isagoo tilmaamay in Somaliland ku hungoowday taageerada xulufada Sacuudiga.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo arrimahaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook,  kaas oo u dhignaa sidan:-

“Weli waxaan garan laayahay cabashadda faraha badan ee Soomaaliya iyo Muqdisho laga cabanaayo.

Laba mid uun weeyaan Reer Soomalilandoow:

Dawladda Muqdisho ee Somalia ayaa xoogaysatay ee yaan mar danbe waa dawlad taag daran lagu tilmaamin ama inaga ayaa itaal daraanay oo aan sidii hore ahayn.

Weli heerkan oo kale Somaliland lalama soo gaadhin. Siyaasadda arrimaha gudahu kolkay fiican tahay ayaa ay siyaasadda arrimaha dibaduna fiicnaata.

Hadaad doorashooyinkii qabsan kari la’adahay Oo kolba dib u dhigayso, Oo cadaaladii iyo sharcigii shaqayn laayahay, Oo qalalaaso iyo dagaalo dhexdaada ka jiraan, oo cabashooyin tiro beelay ay Saami qaybsiga kuraasta dawladda iyo dhaqaalaha mashaariicda iyo Warshadaha aan hab maamuskeedii loo marin, Ma waxay Kula tahay in caalamku ku dhegaysanayo.

Kolba xaflad aynu inagu isu dhigno iyo cay dadka Reer koonfureed ay qaar u geystaan meel inama gaadhsiinayso. Habka diblomaasiyadeed iyo kan gude ahaanba ilaa aynu badelno sidaasay inoo ahaanaysa.

Sownigii moodaayey mid ka mid ah wasiiradii Siilaanyo inuu TV-ga ka hor yidhi ” inagu dhinac baynu nahay dagaalka Yemen Oo xulufadda Sucuudiga ayeeynu ka tirsan nahay” maxaa dhacay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar ahayd lay nooga raacay oo aynu maanta uga cabanaa xoolo ayaa laynaga soo xidhay.

Waar sawtii ilaa dawladdii Daahir Riyaale xoolahu ay dhoofi jireen. Xisaabaha dhaqaale haba joogaane; Saldhigii Milateriga iyo dakadda dhan ee aynu bixinay miyeeynu wuxuun siyaasad ahaan ka faaiidin oo ku badalan? Maxaynu siisanay?

Berigii aynaan bixin labaddan midna waxaan is leeyahay siyaasadeenii arrimaha dibeddu way xoog weyneeyd? Caadifad iyo Farmaajo ayaa wax inaga soo xidhay ina wadi maysee, waxaynu u baahan nahay in talo la yeesho Oo wax layska dhegaysto, oo runtana laga midoobo. Xaflado iyo qudbado inama wadayaan. We should stop microphone diplomacy”ayuu ku yidhi qoraalka uu ku faafiyay Bartiisa Facebook Jamaal Cali Xuseen.

Somaliland Waxay Ku Dul-kuftay Loolanka Siyaasada Sucuudiga Iyo Iran