Hargeysa(ANN)- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa bulshada ugu baaqay in joogtaynta camalka wanaagsan haba yaraadee, lagu helo jannada, sida laga soo weriyay Nebigii suubaanaa ee Maxamed CSW ee Islaamka ugu bushaareeyey.

Khudbadii Jimcaha manta (shalay) oo Sh Dirir kaga hadlay muhiimada in ummada Islaamku sii adaan cibaadadii ay gudan jireen bishii Ramadaan ayuu ku bilaabay,

“Khudbadeenu waxay ku saabsan tahay in camalkii wanaagsanaa ee bishii Ramadaan aynu soo gudanay inaynu sii joogtayno, taasoo diinteena Islaamku dhiirigeliso joogtaynta camalka wanaagsan. Nebi Maxamed CSW , waxuu xadiis innoogu sheegay macnahiisu yahay, “Camalka Ilaahay waxuu ugu jecel yahay kuu joogteeyo,” waxuu Nebigu CSW isagoo asxaabtiisa ku tarbiyadeynaya waxuu ku dhiirigelin iray joogtaynta camalka wanaagsan. Maalin Nebiga CSW oo asxaabta la fadhiya ayaa afar su’aalood weydiiyey, afartii su’aaloodba saxaabiga Abuu Bakar SC ayaa ka awaabay oo ku guulaystay. Qofkee jinaaso ka qeybgalay saaka? Isagoo sooman waagu u beryey, Qof miskiin ah wax siiyey, Qof buka soo booqday? Xidhiidhkii Ilaahay oo lagu hagaajinayo xidhiidhka muuslimiinta, intiiba Abu Bakar CS ayaa yidhi waan sameeyey. Intaasi qofkii ay ku kulmaan waa ehlu-janno ayuu Nebigu CSW  yidhi.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey faa’iidada joogtaynta camalka, haba yaraadee, waxuu sheegay in Nebi Maxamed CSW ugu bushaareeyey saxaabigii Bilaal CS camal uu sameeyey, waxaanu yidhi, “Mar kale Nebiga CSW oo la hadlayey mu’adinkii Bilaal CS ayuu ku yidhi, ‘Xalay mar aan Jannada galay sanqadhaada ayaan hortayda ka maqalyey, maxuu ahaa camalkaa aad jannada ku gashay, ee Nebi Maxamed CSW aad kaga horeysay jannada dhexdeeda? Bilaal CS ayaa ku jawaabay ‘wax kale garan maayee, markastoo aan weyseysto, laba rakcadood ayaan tukadaa sunnaha weysada ah.’

Mar kale oo Nebigu CSW Cabdullaahi Binu Cumar ibnu caas, waxuu yidhi “Cabdullaahoow, ha noqon sida hebel, oo salaada tukan jiray, ka dibna iska daayey’, waa hadal innaga innagu socda ha noqonina adoomadii taraawiix iyo tahajud tukan jiray Ramadaan, dabadeedna iska daayey.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in tusaalayaasha sare u taagan yihiin sidii Nebi Maxamed CSW ugu dhiirigelin jiray saxaabada iyo ummada islaamka joogtaynta camalka wanaagsan, caabudaada Ilaahayna aanay xilli ku koobnaan, sida Ilaahay SW quraanka innoogu sheegay “Ilaahay caabud ilaa geeridu kuu imanayso”.

Joogtaynta camalka wanaagsan waxa jira faa’iidooyin iyo midho aynu ka goosanayno oo ka mid yihiin.

  • Qalbigeena oo Ilaahay ku xidhma.
  • Ilaahay ayaa innagu jeclaanaya.
  • Waxaa lagu helaa nabadgelyo.
  • Ka fogaanshaha macaasida.
  • Xusnul khaatuma ayey keentaa joogtaynta camalku.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sababaha lagu gaadho in camalka la joogteeyo  ummadana u bayaaminayey waxuu yidhi, wax aka mid ah,

  • Go’aan dhab ah.
  • Cibaadada inta aynuu la iman karno qorshaysano sunnaha, faralku waa halkiisa. Nebigu CSW waxuu xadiis ku yidhi “Camalka intaad awoodaan sameeya”.
  • Akhriska Qu’aanka.
  • Xusuusnaanta aakhiro.
  • Dadka wanaagsan la rafiiqooda.
  • Barashada taariikhdii saxaabada.
  • Ducada, Ilaahay baryadiisa inuu dariiqa toosan ku waafajiyo.
  • Ilaalinta sunneyaasha.
  • Digriga Ilaahay iyo xuskiisa inaad badiso. Markaad Ilaahay xusayso qalbigaaga ayuu ku wen yahay.
  • Dembiga inaad ka fogaato.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay hadii qofwalba ku dedaalo ku dhaqanka talooyinka aynu soo sheegnay, Ilaahayna tallo saarto, insha alaah wuu gaadhi karaa hadafkiisa joogtanta camalka wanaagsan, Ilaahay ha inna waafajiyo dhamaanteen, aamiin.