Araweelo News Network

Nairobi(ANN)-Saraakiisha Militeriga Kenya, ayaa sheegay inay Dagaalyahanka u dhashay Kenya oo qayb Ka ah Al-sha baan, kuwaas oo ku sugan Kaymaha Booni ay bilaabeen inay ka soo baxsadaan Somalia, kadib markii ay Maraykanku kordhiyeen Duqaymaha dhinaca Cirka ah ee ay la beegsadaan dagaalyahanka Alshabaab.

Agaasimaha Hawlgalka Kenya ka wado Kaymaha Booni,  Mr. Joseph Kanyiri  oo Wareysi siiyey wargeyska NATION ee ka soo baxa Nairobi,  ayaa sheegay in qaar ka mid ah dagaalyahanka Al-shabaab ee lagu magcaabo JAYSH AYMAN muddooyinkan ay bilaabeen inay ka soo firxadaan gudaha Somalia, kuwaas oo sida uu sheegay usoo gudbaya dhinaca dalka Kenya.

Mr. Joseph, waxa kale oo uu sheegay in Kooxo isku dhaf ah oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ay adkeeyeen Ammaanka Xuduudka Kenya la leedahay Somalia, si ay ula macaamilaan dagaalyahanka Kenya u dhashay ee  ka firxanaya Somalia.

Dhinaca kale, ugu yaraan 300 oo dagaalyahan u badan Kenyan oo ka tirsan Kooxda Jaysh Ayman ee Al-shabaab, ayaa la sheegay inay ka hawl-geli jireen Kaymaha Booni tan iyo sannadkii 2012-kii, kuwaas oo weerraro toos ah iyo kuwo jidgooyo ah  iyo weliba qaraxyo la beegsada Ciiddanka Kenyanka ee inta badan adeegsada dhulka xuduudka Somalia.