Araweelo News Network

Burburka uu Qaraxu sababay

Muqdisho(ANN)-khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada muqdisho, ayaa sii kordhay, waxaana cusbitaalada buuxiyay dhaawacyada Iyo Maydadka dadka aan weli la aqooonsan.

Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 220 qof la geeyey cisbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Abshir Bukhaari ayaa si kala gooni gooni ah u sheegey u sheegay tirooyinka dadka ku dhaawacmay Iyo kuwa ku dhintay weerraradaa oo ahaa kuwii baaxada weynaa ee ka dhaca muqdisho.

Cusbitaalk  Erdogan, (Ex Digfeer) ayaa la geeyay 207 qof oo dhaawacyo qaba, kuwaas oo 127 ruux oo ka mid ah aanay ehelladoodu weli u imaan, waxaana dhaawacyada la geeyay ku geeriyooday Cusbitaalka 11 qof.

Xildhibaannada Baarlamaanka ee ka hadlay dhacdadaa, ayaa u sheegay warbaahinta in mas’uuliyiinta cusbitaalka ay u sheegeen in maydka 130 ka mid ah dadka dhintay la garan waayey sababtoo ah jirkooda oo aad u gubtay.

Darawaliinta gaadiidka Ambalaasyada, ayaa sheegay inay qaadeen in ka badan 250 dhaawac ah oo ay kala geeyen cusbitaalada magaalada, sidoo kale waxay sheegeen in ambalasyadoodu qaadeen 75 maydad ah, waxayna saraakiisha caafimaadku ay dadka ka dalbadeen inay dhiig ku yaboohaan.

 

Dhinaca kale  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga ka dib masiibadii qaraxaa ka dhacday Muqdisho.

 

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa sheegay inuu shacbiga ka tacsiyaynayo masiibada qaraxaa, wuxuuna xusay inuu si uu murugada ula qaybsado shacabka hakiyay booqasho rasmi ah oo uu ugu socday dalka Turkiga oo sida uu sheegay kulamo rasmi ah la yeelan lahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, wuxuuna sheegay inuu khadka  telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga si uu uga cudur daarto booqashadii uu ku tegi lahaa oo ay aqbaleen madaxda Turkigu.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan dalal ay Xukuumad ahaan ka codsadeen inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, dhowaana waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa, ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

 

 

Madaxwaynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay masiibadaa.  ayaa ku dhawaaqay in 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zobe, wuxuuna ammar ku bixiyay in hoos loo dhigo calanka Soomaaliya.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aynu ku weynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah Iyo in calankana hoos loo dhigo”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo

 

Dhinaca kale war laga soo saaray Safaaradda Dowladda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu cambaareeyay qaraxaa, waxayn dawladda  Turkigu Tacsi u dirtay Eheladda dadkii ku dhintay qaraxaa oo ay Caafimaad u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Turkiga, ayaa sheegtay inay garabtaagan tahay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ka caawineyso sidii looga adkaan lahaa waxa loogu yeedho argagixisada, waxayna dawladda Turkigu sheegtay Inay gurmad deg-deg ah usoo dirayso Soomaaliya.

Sidoo kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inay QM cambaaraynayso qaraxyadii shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho.

qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOM) cambaaraynayaan qaraxyadda lala begsado dadka rayidka ee ku nool Muqdisho, wuxuu sheegay inuu ka argagaxay Qaraxyadaasi, wuxuuna Tacsi u diray Ehelladda dadkii shalay ku geeriyoday Qaraxyadaasi.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa lagu canbaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaynta u tacsideyeen Qoysaskii ay dadka uga geeriyodoeen qaraxaasi.

Ma jirto weli cid sheegatay masiibada qaraxaa oo ahaa kii ugu xumaa ee laga fuliyo Magaalada muqdisho oo inta badan qaraxyada Iyo dilalka Ka dhaca ay sheegan Jireen ururka Al-Alshabaab.