Xasan Sheekh iyo JawaariMogadishu(ANN)XaalladdaSomalia ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu sii xooggaystay Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Baarlamaanka Somalia oo shirgudoonka u gudbiyay laba todobaad ka hor mooshin ka dhan ah Madaxweynaha, kaas oo shirgudoonka Baarlamaanku qabteen 12 August 2015.
Ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay kulamadaa gooni gooni ah, balse sida ay shebekada Araweelo News Network ka heshay warar u dhuun daloola arrimahaa iyo xoggo ka ag dhow oo sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweynaha iyo Xubnaha hormoodka u ah mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ku guuldaraystay inuu xaalada dejiyo, isla markaana mudanayaasha ku qanciyo haddii aan la joojinayn mooshinkaa ay aqbalaan dalabka Madaxweynaha oo ah inuu ka hadlo golaha ka hor inta aanay mudanayaashu gudda gelin arrinta mooshinka, balse waxa dalabkaa ku gacansaydhay xildhibaanada Mooshinka gadh-wadeenka ka ah, kuwaas oo ku dooday in raysal Wasaarihii u danbeeyay iyo kii ka horeeyay ee mooshinka laga keenay Baarlamaanka loo diiday dalab sidan oo kale ah. Sidaa awgeed aanay jirin sabab ay uga aqbalaan Xasan Sheekh.
Wararka la xidhiidha arrimaaha iyo tibaaxaha laga helayo kulamadaa ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia ku hanjabay inuu kala dirayo Baarlamaanka Somalia haddii ay ku adkaystaan qorshaha ay ku doonayaan inay meel mariyaan mooshinkaa, isagoo daliishanaya qaanuunka ay doonayaan inay u maraan moshinkaa oo sida xoggahaasi sheegayaan ay u raacayaan Dastuurkii dawladii raydika ahaa ee Somalia 1960, kaas oo awood siinaya Madaxweynaha inuu kala diro Baarlamaanka. Kadib markii dastuurka cusub ee qabyada ah ee Somalia laga saaray qodob madaxweynaha awood u siinayay inuu kala diro Baarlaamanka sanadkii 2012.
Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu go’aankaa qaatay kadib markii uu ka war helay inay Mudanayaashu dacwada ka dhanka ah u marayaan Dastuurkii 1960, kaas oo tilmaamaya qaabka sharci ahaan Madaxweynaha loo maxkamaddayn karo, iyadoo dastuurka cusub ee qabya qoraalka Somalia sheegayo in haddii aanay jirin Maxkamad dastuuri ah loo noqonayo cadaynta qaabka loo maxkamadaynayo Madaxweynaha marka arrimahan oo kale yimaadaan oo Maxkamadda sare qaaday dacwada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa ka cadhooday hanjabaada Madaxweynaha ee ah inuu kala dirayo Baarlamaanka Somalia haddii aanay ka noqon mooshinkaa, waxayna arrimahaasi ka dhigeen xaalada mid cirka ku shareeran oo aan la ogayn, ama la saadaalinmkarin waxa ay natiijadoodu noqoto.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.