Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo soo gunnaanaday qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha ee Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo goobaha Xeebaha ee Gobolka Sanaag oo muddo ka dhaw bil hawshoodu ka socotay, ayaa ka hadlay waqtiga hawshan laga fulinayo gobollada ku xiga.
Guddiga Doorashooyinka oo si rasmi ah u soo xidhay shaqadii qaybinta kaadhadhka ee Gobollada Awdal, Saaxil iyo siddeed goobo doorasho oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxay sheegeen in hawshaasi ku dhammaatay guul sidii ay ugu talogaleen ugu qabsoontay, taas oo ay sheegeen inay hirgelinteeda ka qaybqaateen ciidammada ammaanka, ardayda jaamacadaha, xisbiyada qaranka, maamullada heer gobol iyo heer degmo, ururrada bulshada iyo dhammaan qaybaha bulshadu.
Waxa kaloo Komishanku sheegeen in labada Gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer laga bilaabi doono qaybinta kaadhadhka kadib bisha Ramadaan, iyadoo nasasho la gali doono muddadaa bisha barakaysani socoto.
“Waxay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku wargelinayaan in hawsha kaadh qaybinta ee Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo goobaha xeebaha Gobolka Sanaag sidii loogu talogalay iyo si ka fiicanba ugu qabsoontay. Sidoo kalena ay gobollada hadhsan u dirayaan farriin ah in ay u diyaar garoobaan, kana faa’iidaystaan fursada kaadh qaadashada oo ka bilaabmi doonta labada gobol ee Togdheer iyo Maroodi-jeex bisha Barakeysan ee Ramadaan ka bacdi.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal kooban oo lagu baahiyey shabakadda dhinaca Internetka ee Komishanka Doorashooyinka shalay.
Marwo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo hadal ka jeedisay xaflad xidhitaanka hawsha kaadh qaybinta loogu sameeyey magaalada Boorama shalay, ayaa tidhi, “Waa wax Ilaahay loogu mahadnaqo iny si guul ah oo nabadgalyo ah oo farxad leh oo sidii aynu ugu talogalnay ah inay inoogu soo dhammaatay hawshii kaadh-bixinta ee Gobollada Awdal iyo Saaxil.
Gobolka Awdal 162 goobood oo uu leeyahay si wanaagsan ayey uga dhacday kaadh-qaybintu, waxaannay socdeen ilaa 1:30 xalay (habeenimadii Isniinta).”
Sidoo kale, Cabdifataax Ibraahim Xassan oo isna ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka, ayaa shaqada bixinta kaadhadhka ee Gobolka Awdal si wayn ugu ammaanay ardayda Jaamacadda Camuud, “Runtii haddii cid uuni ku ammaan leedahay inay shaqadaasi qabsoontana waxa iska leh ardayda Jaamacadda Camuud, waayo waa sannadkii siddeedaad ee hawlihii doorashooyinka oo dhan intaasba waxa Komishanka Doorashooyinku adeegsanayey waxay ahaayeen ardayda Jaamacadda Camuud,” ayuu yidhi Cabdifataax Ibraahim.