Araweelo News Network

Ceergaabo(ANN)-Koox ajaanib ah oo u dhashay dalka Soodaan, ayaa lagu xidhay magaalada Ceergaabo ee Xarunta gobolka Sanaag, kadib markii ay si sharci ahayn uga soo gurteen deegaanka dhinaca Buuraleyda ee galbeedka Ceergaabo Macdan iyo Dahab.

Sida ay shebekadda Wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka kooxdaa oo watay gaadiid tiradooda lagu sheegay Afar Gaadhi oo nooca Land Cruiser ah, ayaa ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen, iyagoo soo ku mashquulsan hawshii ay halkaa u tageeen ee raadinta Macdanta iyo Dahabka.

Kooxda Soodaaniyiinta ah oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 13 qof ah, waxa gadhwadeen u ahaa qaar ka mid ah dadka deegaanka, waxaana gacanta lagu dhigay gaadiidka ay wateen oo ay saaran yihiin qalabkii ay Macdanta Iyo Dahabka ku baadhayeen Iyo wixii ay soo heleen, balse dadka deegaanka, ayaa sheegaya inkasta oo kooxdaa oo dhinaca Xeebta maray kadib markii ay kasoo degeen magaalada Berbera lagasoo qabtay deegaanka Gudmo-Biyacas aanay ciidamada Boolisku waxba ka qaban kooxo kale oo dhinaca Woqooyi Bari ee Buuralayda Iyo deegaamada Bariga Sanaag si aan sharci ahayn uga gurta Macdan iyo Dahab, kuwaas oo gacan ka helaya qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Saraakiisha Booliska gobolka Sanaag oo aanu Isku daynay in aanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurta gelin. Balse Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Cabdulaahi Caalin. ayaa dhankiisa warbaahinta qaarkood u xaqiijiyay xadhiga kooxdaa.

Dadka deegaanka, ayaa u sheegay Araweelo News Network in dhawrkii Bilood ee u danbeeyay deegaano ka mid ah gobolka Sanaag lagu arkayay Kooxo ajaanib ah oo u badan Soodaan, Chines,  Carab Iyo  dad kale oo u dhashay Soomaaliyaa, kuwaas oo qaab aan sharci ahayn u guranayay khayraadka gobolka, Isla markaana qaarkood weli ku jiraan Buuralayda, halka kuwo kale oo hore loogu xidhay hawsha Macdanta Iyo Dahabka ku xidhan yihiin Xabsiga magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.