Share this:

" /> Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Wed, Sep 4th, 2019

Kulamo Aan Natiijadooda La Shaacin Oo Dhexmaray Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Geelle

Share This
Tags

Madaxweyne Biixi Oo Booqday Goobaha Cashuuraha Ka Caagan Ee Djibouti

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayay oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii ay u tageen dalka Djibouti, ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan ee dekedda Djibouti (Freezone)

Madaxweynaha Somaliland oo booqday goobaha ka caagan cashuuraha ee Djibouti 4 sep 2019
Madaxweynaha Somaliland oo booqday goobaha ka caagan cashuuraha ee Djibouti 4 sep 2019

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo lagu xusay in Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisa lagu soo wareejiyey dhismaha Freezone-ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado.

 Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa, waxa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin ka mid ah xukuumadiisa 3 Sep 2019.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa, waxa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin ka mid ah xukuumadiisa 3 Sep 2019.

Sidoo kale weftiga Madaxweynuha Somaliland, ayaa booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo ay qaabileen masuuliyiin ka mid ah xukuumada Djibouti 3 Sep 2019.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo ay qaabileen masuuliyiin ka mid ah xukuumada Djibouti 3 Sep 2019.

Ugu danbayntiina waxa Madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw Carta, waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali).

Madaxweynaha Somaliland oo booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Djibouti 4 sep 2019
Madaxweynaha Somaliland oo booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Djibouti 4 sep 2019

waxaana kormeerkaa ku weheliyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti.

Madaxweynaha Somaliland oo booqday goobaha ka caagan cashuuraha ee Djibouti 4 sep 2019
Madaxweynaha Somaliland oo booqday goobaha ka caagan cashuuraha ee Djibouti 4 sep 2019

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo shalay gaadhay dalka Djibouti, waxa qasriga madaxtooyada Djibouti ku qaabiley Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wada yeesheen kulan saacado qaata, sida lagu sheegay qoraal xalay kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo aan lagu xusin waxyaabaha kulankaa saacadaha qaatay lagaga wada hadlay.

Sidoo kale qoraalka, ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo dhigiisa Djibouti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ay si wada jira markii ay dhammaadeen kulamada oo ahaa kuwo albaababada loo xidhay u sheegeen in laga wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga wada shaqayneed ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti oo ay ku tilmaameen mid tusaale wanaagsan u noqon kara mandaqada geeska afrika.

Qoraalka laguma sheegin waxayaabaha rasmiga ah ee lagaga wada hadlay kulamadaa dhexmaray wefdiga Madaxweynaha iyo masuuliyiinta xukuumadda Djibouti.

Akhri: Djibouti: Safarka Madaxweynaha Somaliland Iyo Arrimaha Lala Xidhiidhiyay

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

#8Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp