Araweelo News Network

 

Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi (Photo by AFP)

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal  Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar kadib markii uu magaalada Sharma el-Sheekh ee dalka Masar kaga qeybgalay shirka dhalinyaradda Aduunka.

Shirkaa oo lagaga hadlayo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada oo saamayn wayn ku yeeshay dunida oo dhan.

sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Somalia, wuxuu Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya  kulan hor u dhac ah la qaatay Madaxweyna Masar Cabdifatax Al Sisi, kulankaa sida lagu sheegay qoraalka in lagaga wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka iyo cidhib-tirka Ururka Al-shabaab iyo in la abuuro fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho, kuwaas oo lagu dhiiri galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si aanay u dooran fikradaha ku salaysan argagixisada.

Madaxwayne Al Asisi ayaa balan qaaday in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxuuna cadeeyay in ay taageero dhan walba ah la garab istaagayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aanay u jeedo iyo dan gaar ah ka lahayn Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Khader, ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii kasoo qayb gashay shirka, kuwaas oo uu kamid yahay Ra’iisal Wasaaraha dalka Equatorial Gunnie.

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya