Araweelo News Network

Djibouti(ANN) — Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi uu Hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya  Xasan Cali Khayre oo booqasho ku tegey dalkaa.

Madaxweyne Geelle Iyo Ra’iisal wasaare Khayre, ayaa kukankodu ahaa mid albaabada loo xidhay, balse sida lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kooban oo kulankaa kadib kasoo Xarunta Villa Somalia, waxay labada dhinac ka wada hadleen Arrimaha Amniga, Beeraha, Dhaqaalaha, Isgaadhsiinta iyo Ciidanka Djibouti ee lagu magcaabo (Hiil Walaal) oo Hawlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa sida lagu xusay qoraalka uga  mahad celiyay Madaxweyne Geelle iyo dhammaan bukshada Djibouti ee taageerada walaaltinimo  la garab taagan Dawladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada walaaltinimo si loogu guuleesto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Khayre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Djibouti, Abdoulkader Kamil Mohamed oo ay ka wada hadleen xidhiidhka wanaagsan ee labada dowladood iyo sida loo joogteyn lahaa taageerada lagu garab istaagayo Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin wasiirka arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo IsgaaDh siinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa shalay Djibouti ku tegay booqasho laba maalmood qaadaneysa iyadoo la filayo in weftiga Ra’iisal wasaaruhu  maamlinta Barri  dib ugu laabtaan Muqdisho.

Soomaaliya iyo Djibouti, ayaa ah laba wadan oo walaala ah oo deris ah isla markaana leh xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ah.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so