Araweelo News Network

#Villa Somalia, Liiska Rasmiga Ah Ee Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaliya Ku Magcaabay Gollihiisa Wasiirada

Muqdisho)(NN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan qodobbada 97-aad iyo 100-aad ee Dastuurka Ku meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed koobban oo kasoo baxay caawa Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network,  iyadoo qoraa saxaafadeedka kooban uu weheliyay Liiska rasmiga ah ee kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Rai’iisal Wasaare Rooble oo dhismaha Golaha Xukuumadda latashiyo badan kala sameeyey Aqoonyahannada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa mudnaan gaar ah siiyey dhallinyarada, haweenka oo si mugleh uga dhex muuqda Golahan cusub. ayaa lagu sheegay qoraalka.

Golaha uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka kooban 27 Wasiir, 17 Wasiiru Dowle, 26 Wasiir ku xigeen.

Halkan ka akhriso Liiska rasmiga ah ee magcaabista gollaha Wasiirada dawladda Federaalka Soomaaliya.