Wasiirka Gaadiidka iyo Horrumarinta Jidadka Oo Kormeeray Dhismaha Waddada Ceerigaabo Iyo Odayaasha Deegaanka Oo Warbixin Siiyay

Hargeysa ANN)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horrumarinta Jidadka Somaliland, Cabdullaahi Abokor Cismaan oo ay wehelinayeen Maareeyaha iyo Maareeye-ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka ee RDA (Road Development Agency ), ayaa kormeer ku maray dhismaha waddada weyn ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.

Weftiga Wasiirka oo safarkooda ugu baxay dhinaca degaannada Gobolka Sanaag toddobaadkan, ayaa hadallo ka jeediyey degaanno kala duwan oo ka mid ah goobaha ay ka socoto dhismaha waddadu, waxaanna degaannadaas ka mid ahaa degaanka Fadhi-gaab oo ka tirsan Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag.

Wasiir Cabdullaahi Abokor Cismaan iyo weftigiisa, ayaa si rasmi ah u daah-furay dhismaha wejiga saddexaad ee dhismaha waddada Ceerigaabo, gaar ahaan qaybta ka socotay degaannada Gar-adag iyo Fadhi-gaab, waxaanna halkaas hadallo ka jeediyey masuuliyiinta iyo Injineerrada gacanta ku haya dhismaha waddada oo sheegay inay ilaa hadda shaqadu u socoto si habsami leh, qaybo badan oo jidkan ka mid ahna la dhammaystiray.

“Meeshan waxa jooga shaqaale tiradoodu tahay ilaa 200 (laba boqol), waana shaqaale tababaran, shaqaalahaasna inta meesha ku dhimatay waa ilaa lix qof oo isugu jira qaar xannuuno u dhintay, qaar masas ku cuneen iyo qaar bacadkaas wadnuhu istaagay, markaa waxa aannu nidhaahnaa waa mujaahidiin oo waxa aannu nidhaahnaa waa mujaahidiinta la wada leeyahay,” ayuu yidhi masuulkani.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo odayaasha degaanka Gar-adag oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dhismaha waddada isku xidhaysa Ceerigaabo iyo Burco, taasoo hadda maraysa meel fiican, waxayna tilmaameen inay aad uga xun yihiin in dad aan waxba ku darsan, isla markaana aan wax taageero af iyo addinba leh ka gaysan waddadan ay hadda dacaayad iyo borobogaando ka faafiyaan dhismaha waddada Ceerigaabo, iyagoo arrintaasna raaligelin ka siiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Odayaasha degaanka Gar-adag, waxa kaloo ay ammaan xooggan u jeediyeen Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo iyadu ahayd dowladdii bilawday dhismaha waddada Ceerigaabo, halka ay sidoo kale hambalyo iyo boggaadin u direen Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo ay xuseen inay dhismaha jidka kasoo ambo-qaaday halkii ay maraysay ee ay joogtay xilligii Dowladdii hore ee Axmed Siilaanyo.

Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ee RDA (Road Development Agency) oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay halka ay marayso waddada Ceerigaabo iyo sida uu dhismaha jidkaasi muhiimka ugu yahay bulshada reer Somaliland.

“Halkani waa goobtii dhismaha waddada ee Fadhi-gaab, runtiina waddadu way soo dhaaftay oo caro-kaawihii waa ka halkan maraya, goobtii kale ee dhinaca galbeedkana waa tii aynu soo marnay, markaa dhismaha waddadu si aad ah ayuu u socdaa, aadna waan u salaamayaa, waanan u hambalyeynayaa waayeelka iyo guurtida degaanka Fadhi-gaab ama guud ahaanba degmada Gar-adag iyo guud ahaanba Gobolka Sanaag oo runtii si fiican oo firfircoon ula shaqaynaya, waxa kaloo aan si gaar ah u salaamayaa Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo juhdi badan geliyey dhismaha waddadan iyo inuu soo booqdo oo kormeero gabagabada sannadkan 2019,” ayuu yidhi Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdullaahi Abokor Cismaan oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay shaqaalaha iyo hawlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada Ceerigaabo, kuwaasoo uu xusay inay muujiyeen dedaal dheeraad ah.

“Maanta marka laga hadlayo Somaliland, shaqaalaha ugu mushaharka badan ee ay Dowladda Somaliland mushaharka siiso waxa weeyaan shaqaalaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee RDA, haddii uu yahay ka halkan jooga iyo ka Hargeysa joogaba oo dirawalkeedu wuu ka mushahar badan yahay dirawalka hay’adaha kale ee dowladda, makaanigeennu (mechanic) wuu ka mushahar badan yahay, hawl-fuliyaheennu (operator) wuu ka mushahar badan yahay, waxaanan markaa u garanay in lacagtaas la idin siiyo oo duruuftaas aad ku nooshihiin la eego, iyadoo nin walba ka yimid gurigiisii, wuxuuna joogaa halkaas (goobaha ay ka socoto waddada Ceerigaabo), markaa waxa aynu Ilaahay (SWT) ka rajaynaynaa inuu dhammaanteena innagu asturo xilkaas aynu wada qaadnay,” ayuu yidhi Wasiir Cabdullaahi Abokor.

Waxa kaloo uu hadal dardaaran ah u jeediyey shaqaalaha iyo hawlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada Ceerigaabo, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo aan idinkula dardaarmayaa shaqadu ma dhamaato, laakiin ninkeeda ayaa dhammaada, markaa shaqo innaga dhammaan mayso oo haddii ay tani dhammaato mid kale ayeynu helaynaa oo ku xigaysa, haddii Ilaahay yidhaahdo. Somaliland waxa aynu u baahannahay in la sameeyo waddooyin ah 938km oo waddooyin ah in la dhiso, markaa si loo gaadho horumar ballaadhan waxa uu dalku u baahan yahay in la sameeyo waddooyinka iyo waxyaabaha ah kaabayaasha dhaqaalaha.”