Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay inuu soo celin doono in qisaasta qofkii dila qof kale haddii uu ku guulaysto talada dalka doorashada madaxtinimada ee u qorshaysan 13 November 2017.

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay inay u qorshaysan tahay sidii uu bulshada reer Somaliland ugu midayn lahaa caddaalad iyo in muwaadiniintu u sinnaadaan khayraadka dalka.

“Waxaannu jecelnahay in aannu dadkeenna ku midayno caddaalad, ummadda caddaalad ayaa deeqi jirta, in aynu ku midayno kelmadda Tawxiidka, yaan diinteenna la innagu khuukhini, waxaannu soo celin doonaa in qofkii dila qof in la dilo, waa la qisaasayaa, maaha in qofkii dila qof mag laga bixiyo ee waa in la mariyaa shareecada Islaamka, taas ayeynu ku dhaqmi doonaa Insha Allaahu, maaha in lacag gaaladu siiso oo lagu naaxiyo jeelka, waa in la qisaasaa sida Ilaahay yidhi,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xaflad xisbigiisu taageerayaal ku soo biiray ugu qabtay Hargeysa.

Waxa kaloo uu iftiimiyey in haddii shacabku doortaan uu dhisi doono dawlad kooban oo tayo aqooneed leh, waxaannu yidhi, “Waxaannu tirtiri doonaa qabyaaladda, madaxda ayaa keenaysa qabyaaladda marka qofku caddaalad waayo ee uu tacliintiisa iyo muwaadinimadiisa ku waayo ayuu tolaayeey odhanayaa, sharci baanu samaynaynaa qof kastaaba wuxuu yaqaanno uu ku fadhiisto shaqada, meel kasta qof aqoonteeda leh ayaanu fadhiisin doonaa, dawlad yar oo kooban oo aan wadan baabuur 80 kun oo doollar, wasiirku marka uu ka rawaxo shaqada baabuurka waanu ka dhigaynaa oo mid uu isagu leeyahay ha kaxaysto ayaanu leenahay, ma dhacayso baabuur dawladeed oo soddohda iyo xaasku suuqa u kaxaystaan.”
“Maanta waa inaad idinku danaysataan oo tidhaahdaan saddexdaa murrashax yaa ka kari kara dhibaatada dalka hortaala ee ah ictiraaf doon, dhaqaalaha oo la kordhiyo, xidhiidhka oo la wanaajiyo, waddanka oo la keeno maalgashadaal, waxaannu doonaynaa in shacabka reer Somaliland u sinnaado shaqada, dhaqaalaha, caafimaadka, in qof kastoo reer Somaliland ahi uu helo guri, biyo macaan, inuu tacliin iyo daryeel caafimaad helo,” ayuu intaa raaciyey Eng. Faysal Cali-waraabe.