silanyo
Djibouti(ANN)Allah ha u naxariistee Ganacsade Marxuum Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa Maalqabeennada ugu waaweyn dadka Afsoomaaliga ku hadla, isla markaana caan ka ahaa guud ahaan Gobolka Geeska Afrika iyo Mandaqada, ayaa ku geeriyooday Dalka Jamhuuriyada Djibouti maanta 12.11.2015.

Geerida Marxuumka, ayaa si gaar ah looga dareemay Dalalka Djibouti iyo Somaliland oo uu dhalasho ahaan kasoo jeeday, waxaana ka hadlay geeridiisa, Hoggaamiyayaasha gobolka sida Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo dad kale oo Madaxdhaqameed, ganacsato, aqoonyahan iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ah, kuwaas oo ka muujiyay geerida Marxuumka murugo, isla markaana ka tacsiyeeyay ehelkii iyo qoyskii uu ka baxay.

Dhanbaal tacsi ah oo kasoo qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa guud ahaan Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maalqabeen Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa tijaarta waa weyn ee laga yaqaano guud ahaan Geeska Afrikaba kuna geeriyooday Dalka Jamhuuriyada Jabuuti maanta 12.11.2015.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale Tacsi taasi la mida u dirayaa Xukuumada iyo Shacbiga reer Jabuuti isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay ruug cadaa ku xeel dheeraa arrimaha ganacsiga. Sidoo kalena dedaal dheeraada ka geystay Horumarinta Qaranka Somaliland gaar ahaan xaga Nabadgelyada, Arrimaha Bulshada, iyo kobaca dhaqaalaha.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, Ubadkii, Xaasaskii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.” ayaa lagu yidhi dhanbaalka tacsida ah.

sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahma musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhanbaal tacsi ah gaadhsiiyey ehelada, qaraabada iyo asxaabta uu ka geeriydooday Ganacsade Ibraahin Cabdi Kaahin oo ku geeriyooday magaalada Djabouti ee xarunta wadanka Djabouti.
Guddoomiye Biixi, waxa uu ehelada marxuunka iyo guud ahaan shacabka somaliland ilaahay uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo , marxuunka naxariistiisii jano ka waraabiyo.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi waxa kale oo uu dhanbaal tacsi ah gaadhsiiyey dawlada, ganacsatada iyo shacabka wadanka Djabouti, isagoo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuun Ganacsade Ibraahin Cabdi Kaahin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380