Garoowe(ANN)-Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaaa u doortay Guddoomiya Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ku magac dheer (Dhoobo Dheeraad)

Guddoomiyaha la doortay oo ay kursiga kula tartameen laba xubnood oo kale, ayaa helay wareeggii hore ee doorashada 37 cod, Halka Cabbdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 15 cod,  sidoo kale  Abwaan Cabdirashiid Jibriil uu helay 5 cod oo kaliya.

Waxaana wareegii labaad usoo gudbay Cabdixakiin Maxamed (Dhoobo Daareed) iyo Cabdijamaal Cismaan, balse waxa guddoomiyaha loo doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ku guulaystay 43 cod halka Cabdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.

Xubnaha Baarlaamaanka oo cusub, ayaa ka kooban 66 xildhibaan oo dhowaan lasoo xulay, kuwaas oo la filayo inay maalmaha soo socda doortaan Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo ku xigeenkiisa oo tartan baddan loogu jiro, isla markaana laga cabsi qabo in qalalaase ka dhasho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee cusub, ayaa xilka kala wareegaya Axmed Cali Xaashi oo waqtigiisii dhammaaday, wuxuuna Guddoomiyaha cusub ee la doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ku magac dheer (Dhoobo Dheeraad) ka mid ahaa xubnihii hore ee Baarlamaanka ee waqtigoodu dhammaaday, wuxuuna ka hor intii aanu ku biirin xubnaha Baarlamaanka ahaa saraakisiha shirkadda Isgaadhsiinta ee Golis, isagoo ka mid ahaa Ururkii islaamiga ahaa ee Al Itaxaad oo 1992-dii dagaal uu doonayay inuu kula wareego gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya dhicisoobay, kadib markii Col. Cabdullaahi Yuusuf dagaal qadhaadh la galay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ku magac dheer (Dhoobo Dheeraad), waxa xilligan lala xidhiidhiyaa kooxda wadaaddada ee Ictisaam oo si weyn u dhexgashay siyaasada iyo ganacsiga geyiga Soomaalida iyo meelo kale.