Araweelo News Network

Garoowe(ANN)-Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa soo saaray amarro isdaba joog ah oo la yaab ku noqday dadka deegaanka kadib markii dhirbaaxo xun ku dhufteen maalmihii lasoo dhaafay Ciidamadda Qaranka Somaliland ee jiida hore oo kulaalaya Magaalada Garoowe.

 

 

Amar cusub ee kasoo baxay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa lagu mamnuucay in badeecado ganacsi uga gudbaan dhinaca Somaliland.

 

Maamulka Garoowe wuxuu sheegay in dil toogasho ah lagu fulin doono cid walba oo lagu helo iyadoo la shaqeynaysa Somaliland haddii ay ahaan laheyd dad shacab ah ama saraakiisha ciidamada ee Puntland.

 

Wasiirka Amniga u qaabilsan Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Axmed Cabdullaahi Yusuf (Dowlad) ayaa warbaahinta akhrinayay  qodobadaa oo qayb ka yihiin labadaa qodob oo ay saareen guddiga difaaca ee Maamulka Puntland oo la yaab ku noqday dadka deegaanka Garoowe Iyo Boosaaso.

 

Sidoo kale wuxuu Guddig difaaca ‘Puntland’ dambi qaran ku tilmaamay cid kasta kasoo horjeeda tallaabada uu maamul goboleedka Soomaaliya ee xaruntiisu tahay Garoowe  ku doonayo inuu dib ugu holado weerrar Iyo inay sii socoto colaada u dhaxaysa Somaliland Iyo Soomaaliya ee ka taagan Tukaraq, waxayna amarada noocan ah ee kasoo baxay maamulka Garoowe u muuqdaan kuwo lagu go’doominayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada Woqooyi Bari ee Soomaaliya.