TelesomDahabshiil
Published On: Mon, Nov 2nd, 2015

Maaxweyne Siilaanyo Oo Soo Saaray Guddi Loo Xilsaaray Khilaafka Xisbiga KULMIYE

Guddoomiye ku Xiigeenka Koowad iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo warbixin ka siinaya Madaxweynaha hawsha Kaadhadhka shirka golaha dhexe 28 Oct 2015, xarunta Xisbiga KULMIYE

Guddoomiye ku Xiigeenka Koowad iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo warbixin ka siinaya Madaxweynaha hawsha Kaadhadhka shirka golaha dhexe 28 Oct 2015, xarunta Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3670/112015 ku magacaabay Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Xubnaha Gudida:-

Ku: Mudane, Xasan Axmed Aadan,

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Ku: Mudane, Maxamed Faarax Xirsi,

Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka

Ku: Mudane, Axmed X. Cali Cadami,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Mudane, Axmed Muxumed Madar,

Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga

Ku: Mudane, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif),

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC

Og: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

Og: Murashaxiinta Ku tartamaysa Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dhashay muran iyo cabasho la xidhiidha qaabka loo agaasimayo Shirka Golaha Dhexe ee u muddaysan 10/11/2015-ka, cabashooyinkaasi oo ay saldhig u yihiin:

1. Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe iyo qaabka loo diiwaangaliyey. 2. Buuxinta xubnaha bannaanaaday iyo habka loo maray. 3. In xubnaha qaarkood wax-ka-beddel lagu sameeyey sifihii asal ahaan ay kaga mid ahaayeen Golaha Dhexe.

Anigoo ka duulaya qodobbada kor ku xusan, waxaan la kulmay xubnaha Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee metelaya dhinaca cabashadu ka timi, isla markaana ka dhegaystey waxa ay ku qotonto cabashadoodu. Sidoo kale, waxaan dhegaystey doodda xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbiga ka tirsan ee metelaya dhinaca laga cabanayo.

Haddaba, waxaan ku qancay inay lagama maarmaan tahay in wixii tuhun iyo mad-madow ah laga saaro habsami u socodka hawsha diiwaangalinta xubnaha Golaha Dhexe, si loo helo madal loo siman yahay oo cid waliba ku tartami karto.

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad si madax-bannaan u hubisaan in uu jiro wax khaladaad ah, idinka oo u kuur-galaya arrimaha cabashadu ka jirto oo dhan.

Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa in aad masuuliyaddan u gudan doontaan si xilkasnimo leh.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face<Smiley face noradin-schools---alikhwa

Pin It