Araweelo News Network


Saylac(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay Maayerka cusub ee Degmada Saylac oo dhowaan loo doortay xilkaa iyo Sagaal Xildhibaan oo kale oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka degmada Saylac.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Maayarka Cusub ee la xidhay Maanta, ayaa Xadhiggooda ku eedeeyeen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, waxayna tallaabadan xukuumaddu qaaday muran iyo khilaaf ka dhashay ka dib markii fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen 27-ka bishii May 2017-ka ku shaaciyeen inay xilka kaga qaadeen Maayerkii hore, isla markaana Maayar u doorteen Sahal Daahir Cige oo ka tirsanaa Mudanayaasha golaha deegaanka ee degmadaas, isla markaana hore isaga casilay xilka Maayar xigeenka.

“Waannagii 27-ka bishii 5-aad 2017-ka aannu Fadhiga qabsannay Gole deegaan ahaan oo uu goob-joog ka ahaa Badhasaabka gobolka Selel oo Wakiil ka ahaa Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Xoghayaha dawladda Hoose ee Saylac iyo Saraakiil kale oo Amniga ah ayaa fadhiday Fadhigaas. 11 Cisho ka dib ayey Xil-wareejintii aannu sugaynay dhici wayday oo Maayarkii aannu xilka kala wareegi lahayn waanu waynay oo Xafiiska ayuu iskaga baxsaday.” Sidaa waxa yidhi Maayarka cusub ee Saylac Sahal Daahir Cige oo isagoo xidhan u warramay Somalinews TV.

Maayarka, ayaa sheegay in Saldhigga Booliska ee Saylac ay ku xidhan yihiin isaga iyo Xildhibaannada lala xidhay, isla markaana uu Saldhigga ka dhex hadlayo, isagoo yidhi; “, markaa sidii ayaannu ku tagnay Xarunta dawladda Hoose ee Saylac oo aannu laba Habeen u hoyannay, dabeedna Saaka oo (Khamiis) ah, Ciidammo Boolis ah ayaa noo yimi oo nagu yidhi; ‘waad xidhan tihiin’. Sidii baannu annaguna ku raacnay Askarta, Saacaddaa aan kula hadlayana waxaannu Xidhannahay.” Ayuu yidhi, isagoo la hadlayay Weriye ka socday SomalinewsTV.

Maayarka cusub ee Saylac oo la weydiiyey inay Boolisku u sheegeen Cidda xidhay iyo sababta loo xidhay, ayaa sheegay inay Boolisku u sheegeen in Taliyaha Boolisku bixiyey Amarka xadhiggooda oo ay waajibkooda shaqo gudanayaan Askar ahaan. Hase-yeeshee, waxa uu Maayar Sahal sheegay in cidda diiddan in Maamulka cusub ee ay Mudanayaasha Golaha deegaanka degmada Saylac doorteen xilka lagu wareejiyo uu yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Sidaa awgeed ay u arkaan in uu ka danbeeyo xadhigooda.