Araweelo News Network

Somaliland Presidency Spokesman, Hussein Adan Eggeh ‘Deyr’.

Hargeysa (ANN)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegtay in ay lagama maarmaan u tahay sidii  qorshe iyo istiraajiiyad Somaliland uga yeelan lahayd Qaadka uga yimaada dhinaca dalka Ethiopia.

sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr), oo arrintaa ka hadlay, waxa kale oo uu caddeeyey in dawladaha Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP WOLRD ay si wada jir ah u xallinayaan wixii khaladaad ah ee ka soo baxay maamulka dekedda Berbera muddada kooban ee ay shirkaddu gacanta ku haysay dekedda.
Afhayeenka oo warraysi siiyey telefiishanka madaxabannaan ee Eryal TV , waxa kaloo uu ka hadlay shirar wefti wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ku qaateen dalka Imaaraadka Carabta toddobaadyadii u dambeeyey.
“Wadahadallo fara badan waxaynu la galay dawladda Imaaraadka iyo shirkadda weyn ee DP World, carqaladihii ka taagnaa Dekadda Berbera-na lafteedana waa la xalliyey, wax dhibaato ahina ma jiraan, dhawaanna haddii Ilaahay yidhaahdana waxay si rasmi ah u bilaabi doontaa casriyeyntii iyo dib-u-habeyntii ay ku sameynaysay Dekadda Berbera, qalabkii way soo socdaan, wixii qaladaad ah ama mashaakilaad ah ee xilliga shaqada lagu jiro ama heshiiskan aynu wada galnayna ka yimaaddana, si wada jir ah ayaa loo xallilayaa.”
Waxa kaloo Afhayeenku ka hadlay shirar wefti wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ku yeesheen dalka Imaaraadka Carabta, waxaannu yidhi; “Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddanka Saudi Arabia way la kulmeen Wasiirradu, si fiican bay ugu warrameen, araah iyo hadallo ayey is-weydaarsadeen, sidoo kalena Imaaraadkana (UAE) kulan aad u ballaadhan oo qiimo badan ayey la galeen Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Maaliyadda, Madaxtooyada, Qorsheynta Qaranka iyo Ambassador-ka inoo fadhiya dalka Imaaraadka Carabta (UAE).
Guud ahaanna, kulankaas jaaliyaddu waxa uu ahaa, kulan lagu dardar gelinayo in ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ku abtirsata ee dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ku nooli ay dalkooda maalgashadaan, ay la socdaan wacdiga iyo duruufaha ka jira dalka. Guud ahaanna, waxay ahayd dhiirrigelin in ummadda Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ay ka mideysnaadaanba waddanimada.”
Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa tilmaamay in xidhiidh ganacsi oo xoogan ka dhexeeyo dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxaannu yidhi; “Dabcan, dawladda Somaliland iyo Ethiopia waxa ka dhexeeya xidhiidha dhaqaale, mid iskaashi iyo mid nabadgelyo, dawladda Somaliland marnaba ma soo dhaweynayso, mar walbana waynu ka horjeednaa wax kasta oo carqalad gelinaya, isu-socodka, wax wadaqabsiga, xidhiidhka ganacsi iyo xidhiidhka nabadgelyo ee labada dal u dhexeeya. Waa arrin Itoobiya gudaheeda ka dhacday, saameyn way innagu leedahay, laakiinse xal-u-helideeda waxay u taallaa dawladda Ethiopia ee federaalka iyo gobollada Killilka Oramada iyo Killilka Soomaalidu ay degto oo arrintaasi si toos ah u khuseyso.
Innaga khudaarta iyo qaadkuba way innooga iman jireen, jaadku faa’iidanna wuu lahaa, khasaarena wuu lahaa. Khasaaraha uu inoo leeyahay waa mid caafimaad iyo mid dhaqaaleba wuu innagu leeyahay, laakiin run ahaantii marka hadda loo fiirsado, dad badan oo Somalilanders ah oo dan yar ah ayaa jaadkan ka shaqeysan jiray, ilaa la helo wixii lagu beddeli lahaanna, dawladdu waa inay diyaarisaa haddii Illaahay yidhaahdo, xukuumadaha soo socdaa, qaadkan waa in istaraatiijiyad rasmi ah ka qaadato ama guud ahaanba la joojiyo ama la dhiirrigeliyo wax-soo-saarka dalka gudihiisa.
Ethiopia khudrad baa innooga iman jirtay, markaa waxaan filayaa in xaaladdu caadi ku soo noqon doonto, laakiin xukuumadda Somaliland marnaba iskuma halayn doono inuu noqdo qaadku meesha keliya ee income innoogu soo galo, waxa weeyaan illo kale oo dhaqaale iyo arrimo kale oo aynu dhaqaalaheenna ku dabarno, waa lagama maarmaan inaynu helno.”
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa taageerada xisbiga KULMIYE ku leeyahay degaannada Gobolka Gabilay, waxaannu yidhi; “Dadka reer Gabileyna dhalad iyo soo-galayti ma kala lahee waa reer Gabiley. Dadka Gabiley ka soo jeedaanna waxa weeyaan dad ku abtirsada halgankii ummadda Jamhuuriyadda Somaliland – xisbiga KULMIYE, isla markaanna diyaar u ah inay hadda codkooda siiyaan waxqabadka iyo horumarka iyo midnimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah xisbiga KULMIYE.
Abiib Diiriye (siyaasi ka tirsan xisbiga WADDANI) wuu u madaxbannaan yahay wixii uu ku hadlayo iyo aaraahdiisa siyaasadeed, laakiinse waxa jira eray kugu soo noqonaya oo xisbigaagana faa’iido siyaasadeed u keenayn, adigana karaamadaada meel kaga dhacaya.
Anigu ma odhanayo Abiib waan dhaleecaynayaa, laakiinse dadka Gabiley ku soo dhaweeyey Muuse Biixi ma ahayn dad meel kale ka yimi, waa dadkii gobolka, waa dadkii degmada. Waa min Allaybaday, Geed-ballaadh, waddada Godka, Arabsiyo, Wajaale, Gabiley, dhammaanba xisbiga KULMIYE si fiican baa loogu soo dhaweeyey. Xisbiga WADDANI waa xisbi qaran, haddii ay awood ku leeyihiin Gobolka Gabiley ha ku soo bandhigaan siduu Muuse ugu soo bandhigay oo kale.”
Waxa kaloo Afhayeenku sheegay in waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Silaanyo dalka ka hirgelisay muddada ay xunka haysay uu yahay wax diyaarsan, loona soo bandhigi doono bulshada.
“Horta muddadii toddobada sannadood ahaa ee xukuumadda Axmed Siilaayo talada dalka haysay, waxaan kuu sheegayaa inuu sannad walba qoran yahay, maqal, muuqaal iyo documentation-ba buu leeyahay oo uu meel yaallo. Toddobada sannadood shantii sannadood ee ugu horreeyey iyaga oo sidoodii ah ayey yaallaan, sannadkii koowaad iyo toddobaadba qaab wanaagsan oo qaab leh ayaa loo dhammeystiray.
Macnaheedu ma’aha inay xukuumaddu iminka hamba-bartay oo ay ku soo baraarugtay inay waxqabadkeeda ururiso, waxa weeyaan isku dubarid iyo isku habeyn, si diiwaan qurux badan oo ay ku urursan yihiin waxqabadkii xukuumaddii Axmed Siilaanyo muddadaa toddoba sannadood ee ay dalka xukumaysay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland loo soo bandhigo mid heer tuulo ilaa caasimadda; gobol, degmo iyo tuulo wax kasta oo xukuumadda Axmed Siilaanyo ka-qabatay waxay ku urursannaan doonaan maqalada iyo muuqaallada iyo documentation-ka iminka ay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ururinayso, waa waajibaadka Wasiirka Madaxtooyadu inuu suunka dhexda isaga xidho oo waqtigan xukuumaddan Axmed Siilaanyo gebogebada ku jirto in dhammaan waxqabadkii oo dhan la soo ururiyo. Markaa taa macnaheedu ma’aha, mar kalena waan ku celinayaa in aannu iminka bilownay in aannu ururinno, waxqabadka xukuumadda sannad walba meel walba wuu yaallaa, oo shan sanno ayaa la isku ururiyey, sannadkii lixaad iyo kii toddobaadba waa lagu daray, dabadeedtana gobollada dalka oo dhan Wasiirku waxa uu u diray dad aqoonyahanno ah oo dhallinyaro ah oo Madaxtooyadana ka tirsan, madaxtooyada bannaankeedana ay ku jiraan rag aqoonyahanno ah, si gobol walba, degmo walba iyo mashruuc walba looga soo ururiyo waxqabadkii xukuumaddu toddobadaas sannadood ay ka qabatay,” ayuu yidhi Afhayeenku.