Araweelo News Network
silanyosafakuwait2Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maalinta Axadda ah ee 15ka bisha May kusoo laabto dalka. Sidaana waxa lagu sheeegay qoraal kasoo baxay Mdaxtooyadda caawa caweyskii.

Qoraalkaa ayaa u qornaa sidan:

“Waxaan shaki ku jirin in heshiiska dhex maray labada dawladood ee isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland uu yahay mid taariikhiya, marka la eego baaxada heshiisku leeyahay iyo isagoo lagu rajo weyn yahay in midhaha ka dhashaa uu gaadhi doono dhamaan shacbiga Somaliland una gudbi doono mandaqada Bariga Afrika.

Waxyaalaha lagu garto hogaamiyaha wanaagsan waxa ka mid ah in hogaamiyuhu keeno isbedel togan oo uu kaga saarayo dadkiisa iyo dalkiisaba xaalad ay markii hore ku sugnaayeen, taaso ilaa xad haba iska wanaagsanaatee, hogaamiyaha maskaxda furani ee soo jeeda uu u tallaabiyo ummaddiisa meel halkaa ka sii sarraysa, kana sadroon .

Sideedaba waxa lays waydiiyaa hogaamiyenimada maa loo dhashaa, mise waa la bartaa. Waxay biyo shubka doodaasi noqotay in labadaba ay tahay.taasoo micneheedu tahay in hogaamiyaha wanaagsani yahay mid leh karti iyo firfircooni uu u dhashay oo lagu daro waayo aragnimo iyo aqoon uu kasbado oo uu barto.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo marka laga tago Somaliland, waxa la odhan karaa waa shaqsiyaadka ugu horeeya dhinaca waayo aragnimada hogaamineed Soomaaliba inta maanta nool, Midaa aan sheegnay waxa caddaysay waxyaabaha uu ka qabtay dalka mudadii uu xilka hayey iyo sida uu u bedelay wejiga dalka.

Tan maanta oo ah heshiiska aynu kor ku soo sheegnay wuxuu noqon doonaa tallaabo weyn oo isbedel muuqda keenta, uguna horayso dekeda caalamiga ah ee Berbera oo dekedaha gobolka ku yaala la tartanta, ama kaba horaysa oo qaranka u soo jiida koboc dhaqaale, iyo shaqo abuur. Waayo, waxa la inoo sheegay inay ku jirto heshiiska in muwaadiniinta reer Somaliland iyagoo ku socda magaca dalkooda ay shaqooyin ka heli doonaan dalka imaaraadka carabta oo noqday mid, in kastoo uu juquraafi ahaan yar yahay, haddana ah dal siraadanaya oo kaalmaha hore kaga jira dunida, ganacsi ahaan iyo dhaqaale ahaanba, taasoo mahadnaqeeda, Allaha Wayn Ka Bacdi ku timid xigmada hogaamineed ee masuuliyiinta Imaaraadka oo gartay inay Somaliland wax la qayb taan lana qaybsadaan.