Madaxweynaha China Iyo Raysal Wasaaraha Dalkaa Oo Ka Magangalay Xannuunka Ka Dilaacay Dalka Masaajidada Muslimiintu Ku Cibaadaysanayeen


Beijing(ANN)-Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, ayaa booqday Masaajid ku yaal dalkiisa oo Bulshada Muslinka ah ku cibaadaystaan, sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Dalka China, Li Keqiang, ayaa booqday masaajid kale oo muslimiinta tirada yar ee ku nool dalkaasi ku cibadaystan.
Booqashada Madaxda Dalka China ee Masaajidada Muslimiintu ku cibaadaystaan, ayaa soo jiidatay warbaahinta dunida, wuxuuna Madaxweynuhu safka salaada la galay muslimiinta ku tukanaysay Masjidka, isagoo qabsaday sujuud, isla markaana muslimiinta ku cibaadaysanayay Masjidka uu booqday Madaxweynaha iyo xubno la socday, ayaa kusoo dhoweeyay guriga Illaahay, wuxuuna yiqiinsaday in cudurka sida weyn u sameeyay dalkiisa ee Coronavirus uu yahay ciqaab xagga Allah uga timi oo jawaab u ah dhibaatadii lagu hayay Muslimiinta ku dhaqan dalkaa oo hada ka hor loo diiday inay si xor ah ugu cibaadaystaan Masaajidada.

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, oo Masjidka kula tukanaya Muslimiinta China. Araweelo News Network.
Ra’iisal Wasaaraha Dalka China, Li Keqiang, oo booqday masaajid kadibna la kulmay muslimiinta ku cibaadaysanay Araweelo News Network.


Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, wuxuu markaa kadib musliminta ka codsay inay u duceeyaan oo Ilaahay u baryaan si dhibaatada dalkiisa haysta ee xanuunka Coronavirus Ilaahay uga dul qaado,taas oo ay aqbaleen muslimiinta ku sugnaa Masjidka.


Madaxweynaha China wuxuu muslimiinta masaajidka uu ku booqday ka codsaday inay u duceeyaan oo u baryaan Ilaaha Qaadirka ah inuu karbaashka ka qaado Shiinaha.

 Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, oo Masjidka kula tukanaya Muslimiinta China. Araweelo News Network.
Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, oo Masjidka kula tukanaya Muslimiinta China. Araweelo News Network. .

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Dalka China, Li Keqiang, ayaa booqday masaajid kale oo muslimiinta tirada yar ee ku nool dalkaasi ku cibaadaystan, waxayna muslimiintu ku qaabileen soo dhowayn, isagoo dhankiisa ka codsaday inay u duceeyaan dalka oo ay Allah u baryaan inuu dhibaatada cudurka Corona virus, ka dul qaado.

 Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, oo Masjidka kula tukanaya Muslimiinta China. Araweelo News Network.
Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, oo Masjidka kula tukanaya Muslimiinta China. Araweelo News Network.
Ra'iisal  Wasaaraha  Dalka China, Li Keqiang, oo booqday masaajid kadibna la kulmay muslimiinta ku cibaadaysanay Araweelo News Network.
Ra’iisal Wasaaraha Dalka China, Li Keqiang, oo booqday masaajid kadibna la kulmay muslimiinta ku cibaadaysanay Araweelo News Network.


Tallaabooyinka Hoggaamiyaasha dalka China ee booqashadooda Masaajidada, ayaa kusoo beegantay iyadoo dalka dhibaato weyn soo waajahday kadib markii uu ka dilaacay xannuunka dunida ku qaylisay ee Coronavirus, kaas oo galaaftay gudaha dalkaa ugu yaraan, 490 qof, balse waxa jira warbixino sheegaya inay dhimashadu intaa ka badantahay oo ay jiraan tirooyin dhimasho oo dhanka gobolka Hubei. laga helay.

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, oo markii uu soo galay Masjidka salaamaya Cullimada Masaajidka joogtay, Araweelo News Network.
Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping, oo markii uu soo galay Masjidka salaamaya Cullimada Masaajidka joogtay, Araweelo News Network.


Komishanka Caafimaadka Qaranka Dalka China, ayaa Arbacadii maanta sheegay in tiro ka badan 24,324 oo qof oo ku nool dhul weynaha China uu haleelay cudurka Coronavirus.

Cudurku wuxuu bilaabay inuu si dhakhso ah ugu faafo gobolka oo uu ka gudbo xuduudaha dalka si dhakhso leh, iyada oo kiisaska laga helay Mareykanka, Kanada, Australia, iyo dhowr waddan oo Aasiya ku yaal, isla markaana waxa la xaqiijiyay in ugu yaraan 300, oo qof ugu dhinteen Cudurka dalalka ka baxsan China.


Dhibaatada xannuunkan oo kasoo bilaabantay Magaalada Wuhan, oo ah caasimada gobolka Hubei, isla marakana ah magaalo ganacsi oo dunida xidhiidh ganacsi la leh, isla markaana ganacsiga China dunida la wadaago xudun u ah, waxayna arrintan saamayn dhaqaale oo weyn ku keentay ganacsiga uu China la lahaa dunida inteeda kale, iyadoo ay waddamo badan joojiyeen gebi ahaanba in duulimaadyo dhanka cirka ah iyo gaadiidka badeecaddaha qaada ee Badda sida Maraakiibta iyo Doonyuhu uga yimaadaan China.

Bangiga dhexe ee Shiinaha ayaa qorsheynaya inuu ku kiciyo 1.2 tiriliyan yuan oo u dhiganta ($ 173.8 bilyan) oo qayb ka ah dhaqaalaha soo gala si loogu taageero dagaalka ka dhanka ah faafitaanka cudurka Coronavirus