Muqdisho(ANN)-Masuul ka tirsan Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa la xaqiijiyay in uu Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xannuunka COVID-19, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay loo qaaday dhinaca Muqdisho.

Marxuum Ismaaciil Diiriye Gamadiid, ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta Wasiirada maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaana maalmo ka hor xaalad caafimaad looga qaaday Cusbitaal ku yaal Garoowe, iyadoo dhanka Magaalada Muqdsiho la geeyay si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad.

Geerida Marxuum Ismaaciil Diiriye, waxa xaqiijiyay Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntalnd Saciid Deni oo warbaahinta lahadlay, wuxuuna tacsi u diray ehelladii uu ka dhintay iyo shacbiga Puntland.

 

Sidoo kale, Afhayeenka maamulka Puntland oo sheegay in markii loo qaaday magaalada Muqdisho kadib markii laga helay xannuunka COVID-19, balse marxuumka ayaa halkaas ku geeriyooday.

Masuulka, ayaa noqonaya kii  ugu horreeyay ee masuuliyiinta Maamulka Garoowe ee u dhinta Coronavirus, balse Wararka dhanka Garoowe ee maamulka Puntaland laga helayo, ayaa sheegaya in illaa laba wasiir oo ka tirsan maamulka Puntland ay la xannuunsanayaan cuddurka Coronavirus, balse waxa la sheegayaa in xaalladoodu kasoo raynay.