hasansheekhdiyaaradDhuusa-Mareeb(ANN) Madaxweynaha Dowelada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnbo katirsan Dowlada ayaa galabta gaadhay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ujeedad safarkiisu la xidhiidho sidii xal loogu heli lahaa muran ka aloosan deegaankaa oo la xidhiidha halka lagu qabanayo shirka maamul goboleedka loogu samaynayo gobolada dhexe, iyadoo laysku khilaafsan yahay in shirka lagu qabto Cadaaddo iyo in lagu qabto Dhuusa-mareeb.
Magaalada Dhuusa-mareeb, waxa waqtugan ka socda Shirka Odayaasha dhaqanka, waxaana la filayaa in uu halkaasi kula kulmo Madaxwenaha waxgaradka Shirka uga socday halkaasi, kuwaas oo laga sugayo inay go’aan midaysan kasoo saaraan goobta shirku ka dhacayo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo in Magaalada Cadaado lagu qaban doono shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe, ama Dhuusa-mareeb. Kadib marka uu dhegeysto go’aanka Odayaasha, sidoo kale la filayaa in markaa ka dib la shaaciyo waqtiga rasmiga ah uu shirkaasi furmayo.

Safarka Madaxweynaha ee Dhuusa-mareeb , waxa ku weheliya Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada, Sarakiil Ciidan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u booqday deegaanka kadib markii muran dadka deegaanka ah oo la xidhiidha goobta lagu qabanayo shirka maamul u samaynta gobolada dhexe, balse wax natiijo ah lagama gaadhin waqtigaa, iyadoo soo jeedinta Madaxweynaha ay ku gacan saydheen dadka deegaanka Dhuusa-mareeb.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews