Araweelo News Network

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu soo gabogabeeyey shirkii wada-tashiga Golaha Wasiirrada cusub uga socday afartii maalmood ee la soo dhaafay Huteelka Royal Palace Hotel, oo ku yaalla galbeedka Hargeysa.

Madaxweynaha oo ka hadlay xidhitaanka kulankan ayaa yidhi “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa golaha wasiirrada iyo Madaxweyne-ku-xigeenkaba hawshan qaran ee aad qabateen afartii cisho ee loo dhigi karo rag meel lagu xidhay, oo is yidhi ha soo bixina illaa aad talo keentaan oo aad wax soo saartaan, waana xeer iska jiray Soomaalidii iyo dadkoo dhanba hadday wax xukumayaan oo ay dad u garqaadayaan iyo haddii ay tallo adag xalilayaanba caalamka oo dhan waa la go’doomiyaa cidda la doonayo inay maskaxda shiilaan, oo in aan dadka maskaxdooda la soo faro-gelin oo waxa kale soo jeedsan ayaa iska dhaqan ah adduunka oo dhanba qoloba af ay u bixisaba.
Markaa afartii cisho waxa laydiin xidhay oo meel cidla ah la idiin geeyey, qaranku wuxuu innaga sugayaa hawl badan iyo culays badan oo idinka idin saaran oo innaga ina saaran, dabadeed intaynaan hawsha gelin in aynu ka sii tashanno hawsha, oo aad iyo aad u lafo gurno, axadhno innagoo fikir qudha wada wadana oo meel qudha wada socona oo si isku mida hawsha u qabanayna inaynu soo saarno wakhtigaaba innagu yaraaye, markaa aad iyo aad baan idiinku mahad naqayaa wakhtiga badan rag odayaala oo qol lagu xidhay oo afar cisho xidhnaa ama intaas oo caano-maal waa hawl qaran,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu Madaxweynuhu u soo jeediyay wasaaradaha inay ku dhaqmaan inay wax isla gorfeeyaan inta aanay hawsha ay qabanayaan bilaabin, waxaannu yidhi; “Waxaan jecelahay inay bilow inoo noqoto in wasaarad waliba gudaheeda intaa in leeg marka ay wax qabanayso kolka hore intaanay faraha la gelin ay tashato, in sharciyadda lagu shaqaynayo la eego habka loo qabanayo in laga heshiiyo, dabadeedna wadar loo dhaqaaqo, waayo, waayo-arag badan baa ina tusaya dadka haddii aanay marka hore sida wax loo qabanayo, aragtida iyo sharciga lagu shaqaynayo haddii aan laga heshiin muran badan iyo kala cabasho ayaa yimaad.

Markaa taasaynu kaga cararaynaa, waxaanay noqon doontaa inay dhaqan inoo noqoto oo markii muddo la shaqeeyaba mar la is hubsado guud ahaan, wasaarad walba iyo hay’ad walbana gaarkeeda isu hubsato golayaasha kale ee qarankana sidaa kula shaqayno, ayaan leeyahay haynoo noqoto dhaqan.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu u mahadceliyay khubarro ka qaybgaatay kulankaas wada-tashiga ahaa, waxaannu yidhi; “Waxaan u mahadnaqayaa raggii hawshan ka qaybqaatay ee waayo-aragnimadooda innagu biiriyey, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Prof. Cismaan Sheekh Axmed oo isagoo hawlihiisa wata aan kala hadlay Washington oo uu degan yahay malaa 40-sannadood iyo dheeraad oo aan ku idhi ‘waxa kale iska dhig oo kaalay dalkaa kuu baahane, waxaad shaqaynaysay shaqaysay.’ Waxa kale oday baad tahay maanta waanu kuu baahan nahay, rag badan baan la hadlay isaga mooyaane oo meelo badan jooga oo aan ka doonayey inay sidan u yimaadaan oo ay hawlahan bixiyaan, Saleebaan isagaaba u yimi furitaankii marka horeba wuxuu la sii shaqaynayey mac-hadka shaqaalaha.
Markaa wuu iga aqbalay toosna wuu u yimmi, saddex cisho markuu joogayna wuxuu soo galay hawsha. markaa aad baan ugu mahadnaqayaa si gaara waayo raggii la da’ada ahaa ka ugu cudur daar yari wuxuu igu yidhi “waar ninyow dhakhtarkaas baanan ka maarmayn, markaa aad baan odayaasha ugu mahadnaqayaa.”
Dhinaca kale, waxa uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay wasiirradiisa in macluumaadkii ay ka korodhsadeen kulankaas ay hirgeliyaan; “Hadalku wuxuu ku koobnaanayaa maanta hawshaa aynu qabanay in aynu hirgelino, malaa aniguba waan u baahan nahay waxan la idin baray maanta ee odayaashii waa weynaa Yaasiin (Wasiirka Waxbarashada) oo kale uu leeyahay wax cusub baa nala baray sida laysu taago, waxay ila tahay anigana yaanan goordhow isku qaldamine anigana ha la igu daro,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxaa inoo ballan ah in aynu mar walba wada tashanno waxna is xasuusino, beryahan danbe waxa caado innoo noqotay in laga xishoodo waxaas ma garanaayo, waliba ninku haddii meel loo magacaabo ama dhawr shahaado iyo wax qaato oo taygaa (neck-tie) isku giijiyo waxaa laga yaabaa inuu kaba xishoodo in wax loo tilmaamo oo loo sheego. Ilaahayna (SWT) Qu’raankiisu ku sheegay is xasuusiya, xusuustu muslimiinta ayey anfacdaaye, marwalba iyo saacad walba in wax lagu xusuusiyo waad u baahan tahay oo wax laguu sheego iyo inaad wax korodhsato, waxaana sunne ah qofku intuu aqoon korodhsado ayuun bay hoggaamintiisu hagaagaysaa akhri, ama dhegayso waxaa weeye kolkaa waa inaynu ka dhiganaa caado.”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Waxaan is dul taagayaa qoddobka ah inaynu ku noqono midnimada iyo wada-tashiga ilaa heerka hoose ee waaxda hoose ah, aad iyo aad baan idiinku mahadnaqayaa dhammaantiin. Mac-hadka Shaqaalahana waan u mahadnaqayaa, Guuleed Hagoog, waxa mac-hadkaasi uu hayaa cilmi badan, qiimo bandanna wuu inoogu fadhiyaa, waxaan u mahadnaqayaa qolada garsoorka ee caddaaladda ka shaqaysa looyarro ama garyaqaanka guud oo anigu intii imika aan toddobaadkan la shaqaynayey aan aad ugu mahadnaqayo, waayo waxaad moodaa wixii shuruuc dalka yaalay in la diyaariyey oo xeer nidaamiyihii dawladda la diyaariyey oo aad is odhanayso haddii waxanba la diyaariyey muxuu marwalba u yimaadaa khilaafka iyo is afgaran waagu, ma dadkaan waxba akhriyeyn miyaanay gaadhin?
Qoladaa keydka inoo hayaan aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, waxaanan ku faraxsanahay dhallinyarada jaamacadaheenna ka soo baxay ee sharciga yaqaanka ah inay badan yihiin oo ay si fiicana u hayaan sharcigii iyo xusuustii hoggaanka.”
“Innaga waxa ina horyaala in si hor Ilaahay ah in aan inta ugu badan dedaali doono, wixii dalka ka qabsooma shicibkuna abaalka ma qariyaan haddii ay arkaan wax toosan way na gargaarayaan, waxaa inoo ballan ah inaynu qaranka u wada shaqayno innagoo middaysan oo isku jiho ah. Wixii khilaaf yimaada aynu wada xalino oo dawladdu ahaato far keliya, bani’aadan baynu nahay shaqooyin kala gaar ah ayeynu qabanaynaa, wasiirrada ayaa isku dhacaya, aniga iyo wasiirradaa isku dhacayna, baarlamaanka iska hor imanaya, garsoorka la iska hor imanayaa. Markaa hoggaamintu waa in la xalilaa mushkilada, inay mushkiladu dadkii la xukumaayey u talowdo maaha.
Markaa waxa imanaya shaki iyo shaydaan, laakiin dadkani waa inay iyagu gudahooda ku qabtaan wixii mushkilad ah oo ay taa bartaan haddii aynu taa baran weyno, waxba ma hoggaamin karno, dad loo sheegayo ma tihidin intiina badani waad soo marteen hawshaas waa inoo ballan iyo shaqo daacad ah iyo dalkeenoo aynu si wanaagsan ugu adeegno,”ayuu ku dardaarmay madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi.