Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta booqasho ugu tagay odayga ruug cadaaga ah ee Cumar Carte Qaalib hoyga uu ka degan yahay magaaladda Hargaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Cumar Carte

Siyaasiga Cumar Carte oo wakhti dheer ku soo jiray saaxadda siyaasada, Isla markaana door weyna ku lahaa dib u dhiskii dalka Somaliland, ayaa sidoo kale qayb ka ahaa hirgelinta nidaamka axsaabta badan ee ururada siyaasada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ururadii wakhtigaasi la aas-aasay ee u tartamay xisbiyada qaranka Somaliland.

Cumar Carte Qaalib

Booqashada Madweyne Muuse Biixi, waxa ku weheliyay Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyin kale oo xukuumadda ka tirsan.